shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Degmadii 3-aad ee Gobolka Gedo oo laga dhisey Maxkamad Islaamiya.

(G.Gado, October 23,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo looga dhawaaqay maamul Islaami ah oo hoos tagaya maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo kaas oo wax ka qaban doona Ammaanka, arrimaha la xirira dhacwooyinka iyo is qab-qabisga dhulka iyo waxyaabo kale .

 

Madaxa ammaanka maamulka Islaamiga ah ee gobolka Gedo Maxamed Faarax Barre Qooje oo isagoo ku sugan Degmada Buurdhuubo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay inay degmada Buurdhuubo ay ka hirgeliyaan Maamul Islaami ah oo ka kooban 7 xubnood kuwaas oo taageero ka helaya shacabka degmada Buurdhuubo.

 

Taliyaha ciidamada ammaanka degmada Buurdhuubo ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Deeq Cismaan, Gudoomiyaha maamulka degmadana waxaa loo magacaabay Maxamuud Cabdi Barre, iyadoo guddoomiyaha maxkamadda degmada Buurdhuubana loo magacaabay Macallin Maxamuud Cabdi Barre.

 

Madaxa ammaanka Maamulka islaamiga ah ee gobolka Gedo Maxamed Faarax Barre Qooje ayaa sheegay inay wadayaan qorshaha ay maamul ugu sameynayaan guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Gedo, isagoo sheegay inay taasi ay ka codsadeen shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

 

Maamulkan Islaamiga ah ee laga sameeyay Degmada Buurdhuubo ayaa noqonaya kii saddexaad ee laga hirgeliyo gobolka Gedo, iyadoo horay sidan oo kale maamullo Islaami ah looga dhisay degmooyinka Ceelwaaq iyo Baardheere.

 

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com