shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Doorashada maamulka xerada Dhadhaab oo xasaasi ahayd balse nabadgalyo ku dhamaatay

(Dhadhaab, Kenya.  October 09,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa malinkii shalay ee taarikhdu ahayd 9/10/2008 ahaa ka dhacay xeryaha qaxoontiga Dadaab ee dalka Kenya, dorashooyin lagu dooranayo cidii maamuli lahayd qaxoontiga gaar ahaana shacabka ku tabaleysan Xeryaha,
waxay noqotay Doorashadii ugu xamaasada badneey ee soo marta inta la'asasay qaxontiga taas oo labadii sanaba mar la qabto iskuguna jirta Block leader, Section leader iyo Chairman waxaana la doortay dadkii u tartamayay xilikaas oo lagu doortay markii ugu horeeysay qaab Democratic oo lagu codeynayo bonoyin horey la isu siiyay oo lagu ridayo qaab sir ah hadaba qaxoontigu  sideey u wajeheen qababkan cusub ee loo sameyay dorashadan,
 
Waxaa dhacday arin aad u foolxun oo sababtay in al isku adegeesado baangado, tooreeyo iyo faasas. dhawacyadaas oo leh kuwa  fudud iyo kuwo culus ba, taas oo aanan ahayn mid horay u dhici jirtay  sabatayna in Block yadii badan koodu noqdaan kuwa aanan lahayn wax maamul ah oo rabshadahaa dartood loo wadi kari waayay codeeynta dibna loo dhigay,
 
 
Sikastaba ha ahaatee waxay shalay u ahayd xagardere malin foodo iyo qul qulatooyin ka jiren kuna sigatay hadii anan la joojin lahayn codaynta blockyada fodadka ka timi mi u xuub sibato arin qabiil, Hayadda UNHCR ayaanan wax hadal ka soo saarin arintaa ilaa iyo hadana ka amusan block yadii mamul la aantu ku dhacay xiliga la sameynayo dorashooyin.
 
wixii ka soo kordha warkaas kala soco shabakada wararka ee
www.ceegaag.com

Daawo Sawirada



W/D Abdirazak Mohamed Ismail
laaska468@hotmail.com
tell:254-722827180 ama 254-
735179805

 

  

webmaster@ceegaag.com