shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Haayada qaramada midowday oo taageertay caruur lagasoo daayay xabsiyada Maamulka Somaliland

(Hargaysa, October 25,  2008 Ceegaag Online)

Caruur dadoodu u dhaxayso 15 1laa 18  oo lagu hayay xabsiyada maamulka Somaliland ayaa lagu sii daayay cafis madaxwayne oo uu u fidiyay madaxwaynaha maamulka Somaliland Mudane  Daahir Riyaale Kaahin. Cafiskan ayaa waxaa ka faa'iideestay maxaabiis lagu qiyaasay ilaa 850 maxbuus.

Maxabiistan ayaa waxaa ka mid ahaa ilaa boqol(100) caruur ah kuwasoo markii lasii daayay ay haayadaha qaramada midoobay ee ka hawlgala magaalada Hargaysa u fidiyeen deeq isugu jirta Dhar, Cunto iyo kharash ay ugu noqdaan reerahoodii.

Waxaa kale oo haayaada UNDP da iyo UNICEF iska kaashanayaan inay sidoo kale wax la qabtaan maxaabiista kale ee iyagana laga soo daayay xabsiyada. Iyagoo siindoona waxyaabaha nolasha u fududeenaya una sahli doona inay la qabsadaan nolasha adag ee lasoo daristay.

Talaabada uu qaaday Madaxwayne Riyaale ayaa waxaa soo dhaweeyay hayadaha Caalamiga ah iyagoo ku tilmaamay mid biniaadamnimo, dhinaca kale waxaa aad u socda is diiwaan galintii doorashooyinka taasoo laga soo sheegayo warar is khilaafsan.

Dadka qaarkii ayaa ka cabsi qaba inay isdiiwaan galintan ka socota dalka keento isku dhac ku yimaada Maamulka Somaliland iyo kan dariska la ah ee Puntland, arintan oo laga filayo gobalada bari ee waqooyiga dalka Soomaaliya.

Gobalada Sool, Sanaag iyo Bariga Burco ayaa lagala wareegay maamulka Puntland ka dib markii loogu awood sheegtay iska hor imaad dhacay dabayaaqadii kal-hore.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com