Hotel Xamdi Laascaanood
oo la Weeraray
(Laascaanood, October 27,
2008 Ceegaag Online)
Hotel Xamdi oo ah hotelka ugu fiican
magaalada oo ay had iyo jeer ku degaan dadka VIP ah,
sida Hay'addaha iyo madaxda maamulada ayaa xalay 9:00pm
lagu tuuray 2xabadood oo qoriga Mootarka ee gacanta lagu
qaato ah, xabadahaasi cidna waxba kuma noqon, waxayna ku
dhaceen darbiga Hotelka.
Waxaa kale oo iyana la sheegayaa in rasaas
lagu riday ciidanka jiida ee maamulka SL.
Qaraxaas ka dhacay Hotelka waxuu sababay
inay ka guuraan Hay'adihii iyo madaxdii SL ee halkaa
degenaa,oo ay ka mid ahaayeen, Hay'adda
UNDP iyo madaxdii Comishanka ama doorashada
maamulka SL, waxayna u anbabaxeen magaalada Hargeysa.
Isla markaa Maamulka SL wuxuu heegan geliyey
Ciidamadiisii, Booliska iyo ciidanka meleteriga ee jiida
hore ku jira, isla markaana waxay gaafwareegayaan
daafaha magaalada.
Rasaastaas lagu riday Hotelka iyo ciidankaba,
ilaa hadda cid loo qabtay ama loo hayaa majirto, waxayse
maamulka SL wadaan baadhitaan.
X.WARARKA CEEGAAGONLINE
LAASCAANOOD
webmaster@ceegaag.com |