shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maalinta Qalinka iyo Suugaanta Soomaalida

(London, October 25,  2008 Ceegaag Online)

Ogeysiis Muhiim ah

 

Abwaanno kaaga yimi Geeska Afrika

&

Maalinta Qalinka iyo Suugaanta Soomaalida

 

28/10/2008, Peckham Library, London

 

 

Dadka jecel suugaanta iyo aqoon-kororsiga ee ku nool UK waxaa loogu bishaaraynayaa fursad qaai ah. Abwaanno qalinley ah iyo suugaanyahanno Soomaaliyeed oo xambaarsan buugaag qiima badan ayaa ka yimi/ka imanaya Geeska Afrika si ay Soomaalida UK uga haqab-tiraan murti ay muddo dheer ku soo tabcayeen. Maalmo kala duwan ayay meelo kala duwan aqoonta ay sidaan kula wadaagi doonaan bulshaweynta UK. Maalinta la ibi furi doono waa Salaasada, 28ka  Oktoobar. Waa maalin lagu magacaabay "Maalinta Qalinka iyo Suugaanta Soomaalida". Barnaamij wacdara leh ayaa maalintaas galinkeeda dambe oo dhan ka socon doona maktabadda weyn ee casriga ah, Peckham Library, Koonfurta London.

 

Waa barnaamij hodon ah. Wuxuu ka kooban yahay daah-fur buugaag cusub, bandhig suugaan tix iyo tiraabba leh; bandhig buugaag qiima badan, af Soomaali ku qoran, badankooduna cusub; eray-murtiyeedyo iyo dood-wadaag cilmiyaysan oo cinwaankeedu yahay "Saamaynta Dagaallada Sokeeye iyo mustaqbalka Afka iyo Suugaanta Soomaalida: Kaalinta Suugaanta Qoran". Heeso lagu nasto ayaa iyana jiri doona. Waxaad fursad u heli doontaa inaad iibsato buugaag aan meel kale laga heli Karin ayna kuu saxiixayaan qorayaashii curiyey. Waxaa ka mid ah diiwaankii Sayid Maxamed oo Aw Jaamac cusboonaysiiyey, Futuuxal Xabashah oo af Soomaali lagu tarjumay, qaamuuskii weynaa ee Saalax Xaashi Carab, diiwaanka Xaaji Aadan Af-qalooc, diiwaanka cusub ee abwaan Shube, Xikmadda ku jirta Xeerka Ciisaha ikk. Buugaagta cusub ee la daah-furi doono waxaa ka mid ah Is-dhiib oo ay qortay Siciida Shiikh Maxamed (Belgium) iyo Barbaarinta dhallaanka oo uu curiyey Maxamed Xasan (USA).

 

Intaas oo dhan  waxaa hormuud ka noqon doona ee madasha ka dhex muuqan doona abwaannada aqoonta ka soo galbiyey Geeska Afrika, kuwaas oo badankoodu ka imanaya Jabuuti oo noqotay xundhurta dhaqanka iyo murtida ku qoran af Soomaaliga. Waa abwaanno ay hor-socdaan Aw Jaamac Cumar Ciise, Aadan Faarax, Cali Sugulle, Saalax Xaashi Carab, Maxamed C. Riiraash, Cabdulqaadir Cabdi Shube, Yuusuf Shaacir, Axmed Aw Geeddi, Maxamed Daahir Afrax, Cabdalle Xaaji Ducaale, Saciida Sheikh Maxamed "VIP" oo ka imanaysa Belgium iyo Maxamed Xasan Cismaan oo asaga iyo buugaagtiisuba ka imanayaan Maraykanka. Murti qaali ah waxaa dadka deeqsiin doona abwaanno iyo qorayaal reer UK ah oo ay hormuud u yihiin Cali Seenyo, Cabdullaahi Bootaan, Suldaan A. Shire, Martin Orwin, Siciid Jaamac, Maxamed Baashe, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Aamina Muuse Weheliye, Maxamed Xasan "Alto" ikk.

 

Barnaamijkan waxaa soo qabanqaabiyey Naadiga PEN (Somali-speaking Centre of International PEN) oo kaashanaya Southwark Council, Rockingham Somali Support Group, SOAS (University of London), Universal TV iyo Oxford House.  

 

Waqtiga iyo meesha: Tuesday, 28/10/08, 1 – 5 pm at:

 

Peckham Library

122 Peckham Hill Street, London, SE15 2RJ

Nearest station: Peckham Rye (British Rail). Ama ku deg Elephant and Castle underground station oo ka qaado buses: 12, 171, 343, 63.

 

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:-

  1. Abdulkadir Farah Jibril- 0207 4071369, 07951968799
  2. Mohamed Dahir Afrah:- 07946844033

 

Galitaanku waa lacag-la'aan, cabbitaanna waa lagugu casumayaa.     

 

  

webmaster@ceegaag.com