Meles Zenawi oo canaatey
DFKMG ah
(Adis-Ababa.
October 13,
2008 Ceegaag Online)
Ra'iisul wasaaraha
Ethiopia Meles Zanawi ayaa si xoogan u weeraray
awood-darada xukuumada Somalia; isagoo ku tilmaamay
mid ku guulaysan wayday inay meel-mariso balanqaadkii
ay Ethiopia ku taageertay xukuumada Somalia.
Meles Zenawi, wuxuu sheegay in xukuumada Somalia ay
awood u heli waday inay tababarato ciidamadeeda si ay
u yareeyaan dagaalada kaga imaanaya mucaaradka ka
horjeeda, isla markaana ay Ethiopia ku daashay gacan
siinta TFG.
Madaxweynaha Uganda
Museveni oo ka qaybgalaya isaguna kulankan uu ka
hadlay Zenawi oo ka dhacay Washington ayaa sheegay in
dunida looga baahan yahay inay gacaxn ka geysato sidii
nabad iyo xasilooni looga dhalin lahaa Somalia oo ay
mudo dheer dagaalo ka jireen.
"Xaaladu
way ka sii daraysaa; waan in beesha calaamku ay faraha
la gasho arimaha Somalia, si loo dhiso awooda
xukuumada Somalia" ayuu yiri Madaxweynaha Uganda
Yuweri Museveni oo carabka ku dhajiyay in Somalia ay
tahay meel dunidu dayacday.
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo ka
hadlayay rajada nabad ka dhalata Somalia ayaa yiri:
"Ma jirto rajo muuqata oo Somalia nabad looga dhalin
karo, isla markaana ma muuqato waqti iyo xoog loogu
lumiyo wixii maanta ka dambeeya".
Zenawi, wuxuu sheegay in rajada Somalia ay tahay in la
badalo hogaanka hada talada haya, isagoo sheegay inuu
hogaanka hada jira ku guuldareystay inuu wax ka qabto
xasilinta Somalia iyo dib u dhiskeeda.
"Madaxda Somalia waa
kuwo ku shaqeynayay xukunkii Siyaad Barre oo jooga
da'da howlgabka, halka kooxaha ka horjeeda ay yihiin
kuwo u badan dhalinyaro, taasina ay sabab u noqontay
kooxaha kacdoonka wada inay kaga awood bataan
ciidamada DF goobaha dagaalka" ayuu yiri Zenawi oo
sharaxayay madaxda DF.
Meles, wuxuu sheegay in Ethiopia ay tababartay tiro
badan oo ka tirsan ciidamada Somalia, waxaana
ciidamadaas markii aan ku wareejinay gacanta DF ay
isaga tageen shaqadii, iyagoo ku biiray mucaaradka.
Ciidamada Ethiopia
ayaa loo diray Somalia si ay u taageeraan DF, iyadoo
Zenawi uu sheegay in ciidamadooda aysan u afduubnaan
doonin go'aanada shaqsiga ah ee hogaanka hada gacanta
ku haya Somalia.
"Tabardarada
xukuumada Somalia waxay sahashay in kooxda Al-shabaab
ay gacanta ku dhigto Magaalada Kismaayo, taasna waa
mid aan la aqbali karin" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha
Ethiopia Miles Zenawi.
Wasiirka arimaha dibada ee Somalia Cali Axmed Jamac [Jangeli]
oo wax laga weydiiyay canaanta uu Zenawi u jeediyay
xukuumada Somalia ayaa ku timaamay kuwo ay saxaafadu
buunbuuninayso, wuxuuse qiray inuu jiray kulan ay
yeesheen madaxda dalalka IGAD ayna kaga hadleen
arimaha Somalia.
Xigasho
Garowe Online, Muqdisho
webmaster@ceegaag.com |