Mudaaharaad baahsan oo ka
dhacay magaalada Laascaanood
(Laascaanood,
October 20,
2008 Ceegaag Online)
Markii ay dhacday dowladii dhexe ee
Soomaaliya oo ay qax iyo qaxooti u badatay, qof waliba
meeshii uu ehelkiisa ku ogaa ayuu u cararay, waxaana aad u
adkaatay noloshii.
Dadka qaarkood waxay aadeen miyiga oo dad eheladooda ah
xoolo ku haystaan, kuwo kalana waxay tageen magaalooyinka
waaweyn oo ay Buushash iyo Sandaqado ka dhisteen si ay
noloshooda uga raadsadaan.
Sandaqadahaasi waxay saaran yihiin laamiga ama meeshii
banaaneydee baabuurtu baakinka ka dhigan jireen
Hadaba saaka 8:00 subaxnimo ee saaka ayaa magaalada
Laascaanood waxaa ka bilowday mudaaharaad ay wadaan dadkii
iska lahaa sandaqadaha, kaas oo ay kaga soo horjeedaan
Maamulka SomaliLand oo ku dhaqaaqay inay dumiyaan
sandaqadaha iyo buushashka saaran wadooyinka waaweyn ee
magaalada.
Waxaa xusid mudan in dadka iska leh sandaqadahaasi in badan
oo ka mid ahi aanay awoodin inay meel kale ka dhistaan
sandaqadahooda, waayo dadku waxay u badan yihiin dad
qaxooti ah oo ka soo qaxay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya,
gaar ahaan magaalo madaxdii MUQDISHO.
Waxaa kale oo iyana jira in maamulka SL ee gacanta ku haya
Gobolka Sool aanu wax digniin ah siin dadkaas, in kasta oo
aanay hada shaqayn Idaacadii madniga ahayd ee
magaalada, hadana waxay samayn karayeen inay isticmaalaan
Makarafoono iwm.
Gebogebadii waxaa meesha ka maqan oo
aan jirin Cuqaashii iyo odayaashii u dhaxayn lahaa maamulka
iyo dadka shacabka ah.
X.WARARKA CEEGAAG ONLINE
LAASCAANOOD
webmaster@ceegaag.com |