shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabyaaladiistayaal ka xanaaqay Hadaladii Halyeey Cabdi Bile kuna wayraxay Shaqaalaha Gargaarka Soomaaliya

(Xudur, October 20,  2008 Ceegaag Online)

Wararka ka imanaya magaalada xudur ayaa sheegaya in magaalada badhtamheeda lagu toogtay Marxuum  Muktar Mohammed Hassan oo ahaa iskudaba ridaha Haayada badbaadinta caruurta.

Arintan ayaa ka dhigasa Shaqaalihii labaad ee UNICEF oo la’dilayo uun mudadii ay ka soo wareegtay 72 saacadood wakhtigii uu halyeey Cabdi Bile Cabdi ka codsaday in la amaangaliyo dadka quudinaya dadka Soomaaliyeed ee Tabaaleesan.

Ilaahada lama garanayo cida ka danbaysa dilalkan loo gaysanayo shaqaalaha gargaarka, balse maadaama ay isga bexeen shaqaalihii gargaarka ee ajanabiga ahaa dalka Soomaaliya ayaa hada waxaa la laynayaa dadkii Soomaalida ahaa.

Arintan ayaa aha wax ku cusub dhaqanka Soomaalida in qof loo dilo uun cida uu u shaqeenayo. Dadkan wax lanaya ilaa hada lama hayo cida ay ka amar qaataan iyo sababta ay u laynayaan dadka ay leenayaan. balse waxaa hubaal ah in dadkan aysan doonany wanaaga Soomaaliya aysana u diir naxayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com