Qaraxyadii Hargaysa iyo
Bosaso Yaa ka danbeeyey?
(Hargaysa, October 31,
2008 Ceegaag Online)
Assalaamu Calaykum
Waramatullahi Wabarakaatuh
Dhamaan waxaan uga tacsiyeynaynaa
Dadkii muslimiinta ahaa ee ku wax yeeloobey qaraxyadii
lala beegsadey Hargaysa iyo Bosaso eheladii iyo
qaraabadii ay ka geeryoodeen dadkaasi waxaan leenahay
samir iyo iimaan ilaah ha'idinka siiyo kuwa ku
dhaawacmayna waxaan leenahay ilaahay ha idin shaafiyo.
Intaas kadib, Sida aad wada maqasheen
ama aad ka daawateen TV-yada waxaaa lala beegsadey
xurumaha Maamullada ka jira Somaliland iyo Puntland
Qaraxyo Is miidaamin ah, qaraxyadaas oo ay ku nafwaayeen
muwaadiniin somaliyeed.
Hadaba ma is waydiisey hadaad tahay
muwaa'idn soomaaliyeed maxaa kalifey in qof ismiidaamiyo
oo uu naftiisa ku qarxiyo meelahaas maxay tahay ujeedada
ka danbaysa?yaaase fulin kara ficil kan?.
Sida ay iila muuqato
ficiladan noocan oo kale ah dalkeena laguma aqoon waa
arimo inagu cusub oo aan hore inoo soo marin, sida ii
muuqata ficiladan waxaa fulin kara dad badan oo dano
kaleh dalkeena si la isaga horkeeno maamulada iyo culima
awdiinta dalkeena.
Qof walba oo muslim ah wuu ogyahay
in qofkii qof muslim ah xaqdaro ku dilaa uu yahay ehlu
naar, waxaan kale oo ognahay qofkii qof muslim ah u
gacan galiya cadowga ilaahay inuu isaguna yahay gaal,
sanadahan danbena waxaynu maqlayney dad aan waxba
galabsan oo muslimiin ah in cadowga loo gacan galiyey
iyadoo ay maamuladeenu awoodaan in qofkii danbi lagu
helo dalkeena lagu maxkamadeeyo oo la marsiiyo waxa
sharciga waafaqsan.
Hadaba waxaynu u baahan nahay sidii looga hortagi lahaa
ficiladan waxaa jirta maah-maah odhanaysa (Prevention is
Better than Cure) Macnaha ka hortagga ayaa ka wanaagsan
Daawaynta, hadaba si aynu uga hortagno ficilada noocan
oo kale ah waxaa laga rabaa maamulada iyo dadwaynuhuba
inay la yimaadan arimahan soo socda:-
Ka hortaga laga rabo
maamulada.
1-
In ay ka dhawrsadaan oo iska ilaaliyaan arimaha khuseeyo
muqaddasaadka ayna ka fiirsadaan inta aysan ku dhaqaaqin,
tusaale ahaan waa inay ka dhawrsadaan in la cabudhiyo
culimada iyo dadka diinta xanbaarsan iyadoo loogu
marmarsiyoonayo argagixsiyo
2-
In ay iska ilaaliyaan arimaha gaaladu u adeegsanayso
muslimiinta sidii loo baabi'in lahaa oo ah waxa ay ugu
magacdareen la dagaalanka argagixisada.
3-
In qof Soomaaliyeed ama muwaadin somaliyeed aan cadowga
ilaahay loo dhiibin iyada oo la leeyahay waa argagixiso.
4-
Hadii ay cadaato in muwaadinkaas somaliyeed danbi lagu
helo waa in la horgeeyaaa maxkamd ku dhisan cadaalad
lana marsiiyaa xukunka waafaqsan sharcigeena islaamka.
5-
Waa in dhamaan la'baabi'iyaa Goobaha loogu magac darey
la dagaalanka argagixisada ee dalkeena laga sameeyey.
6-
Hadii ficil argagax leh uu dhaco maamulku waa inuu ka
fiirsadaa tallaabada uu qaadayo waana inuuna adeegsadaa
xikmad si ay aysan u dhicin dhibaato ka wayn ta dhacdey.
Arimaha laga rabo bulshada.
1.
waxaa laga rabaa qof kasta oo muslim ah inuu ilaaliyo
nabadgalyada meesha uu ku noolyahay iyo dadka uu la
noolyahay.
2.
Hadii ay dhacdo inaad ku aragto madaxdaada wax ka baxsan
sharciga islaaamka waa in loo diraa Culimada loogana
nasteexeeyaa ficilkaas xun.
3.
waa in aysan noqon in Xabad aynu wax ku raadino ee ay
noqotaa in aynu xaqeena si wanaagsan ku doonano inagoo
adeegsanayna Culima awdiinta iyo Madaxdhaqameedkeena.
4.
Waa inaynu u samirnaa madaxdeena ilaahayna uga barinaa
inuu toosiyo xaqqa iyo diintana fahansiiyo.
5.
Waa inaynu ka dhiidhinaa oo aynaan qaadan in mar danbe
qof muslim ah oo walaalkeena aan cadowga loo gacan galin
waana in laguna soo oogaa dadka ficiladaas samaynaya
maxkamad cadaalad ah si aysan u sahashan mardanbe
dhiibitaanka dadka muslimiinta ah.
6.
Waa in Dhalinyaradeena aynu u caqli celinno barnana
samirka hadii ay dhacdo in maamulku ficil xun ku
dhaqaaqo.
Nasteexo ku socota
Madaxwaynaha.
Mudane madaxwayne ilaahay ayaa dadkan
masuul kaaga dhigey masuuliyaddaas aad dadka muslimiinta
ah u hayso ilaahay wuxuu ku waydiinayaa maalinta
qiyaamada waa inaad diintaada iyo dadkaaga iyo
dalkaagaba aad si wanaagsan ugu shaqaysaa dadka aad
xukunka u dhiibanaysana aad ka fiirsataa.
Waa in dalka aad madaxwaynaha ka
tahay aadan u ogolaan in laga furo waxa loogu yeedho
xafiiska la dagaalanka argagixisada, magacan la
dagaalanka argagixisada gaaladii baaa isku waafaqi
waayey jiritaankiisa kaliya hadda waxaa loo adeegsadaa
dadka muslimiinta ah in lagu gumaado, sidaa darted yaan
la iska kiin horkeenin adiga iyo shacabkaaga.
Ilaahay waxaan baryeynaa inuu
dhamaanteen xaqa inagu sugo waxaan ilaahay
waydiisanaynaa dhamaan dadkii muslimiinta ahaa ee ku
waxyeeloobey qaraxyadii dhacy in ilaah u naxariisto
jannatul firdowsna geeyo. Waxaan ilaahay waydiisanaynaa
inuu madaxdeena xaqa fahmsiiyo kuna hanuuniyo inay ku
dhaqmaan, ilaahay waxaan waydiisanaynaa in dhalinyarada
uu fahmsiiyo diintooda kana dhawro fitanta iyo ficil-ka
shaydaan.
"Wabillaahitawfiiq"
Mustafa Akhyaar
webmaster@ceegaag.com |