Qaraxyo isku wakhti ah oo
ka kala dhacay Boosaaso iyo Hargaysa
(Hargaysa, October 29,
2008 Ceegaag Online)
Inta la
hubo 19 ruux ayaa geeriyootay in ka badan 30 qofna waa
ku dhaawacmeen ka dib markii qarax saddex-geesood ah
lala beegsaday Xarunta Madaxtooyada Somaliland, xafiiska
isku xidhka Itoobiya iyo Somaliland iyo rugta ay
hay’adda UNDP ka deggantahay magaalada e Hargeysa.
Dadka dhintay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaay
Xoghayntii Madaxtooyada Somaliland Daahir Cali Ciid,
Odayaal ku sugnaa Madaxtooyada iyo Ciidamo ka tirsanaa
Ilaalada Madaxtooyada.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Saciid Cadaani ayaa
Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da u sheegay in Qaraxa
lala beegsaday Madaxtooyada uu ahaa mid xooggan oo
burburiyay gaarigiisa oo yaalay Madaxtooyada iyo qeybo
ka mid ah dhismaha Madaxtooyada.
Qaraxyadan waxaa ka hadlay madaxweynaha Somaliland
Daahir Rayaale Kaahin oo sheegay in Somaliland
ammaankeeda la soo handaday, wuxuuna shacabka Somaliland
ugu baaqay in ay soo sheegaan cid kasta oo ay u arkayaan
in ay nabadgelyadooda ka soo horjeedaan.
Dhinaca
kale Wararka naga soo gaadhaya Magaalada dekadda ah ee
Boosaaso ayaa tibaaxaya in ay labo qarax oo waa weyn
lala beegsaday xarumo ay degan yihiin ciidamada
sirdoonka ee dawladda Puntland.
Xaalada Magaalada oo dhan waa mid kacsan dadkii oo dhan
waxa ay ku carareen guryaha, Magaalada waxaa lugu soo
daadiyey ciidmao fara badan ayadoo cabsi laga qabo in ay
ciidamadu bilaabaan howlgalo xoog leh.
Khasaaraha ayaan wali lasheegin waxa ayna sheegayaan
Warar soo baxayaa in weerarkii ugu horeeyey ay ku
dhaawacmeen dad gaadhaya 5 qof oo aan la garan Karin in
ay yihiin Shacab & Ciidamadii Ilaalada.
Madaxwaynaha Puntlan Cadde Musse Xirsi ayaa ka hadlay
qaraxyadaasi isagoo cambaarayn kulul u soo jeediyay
dadkii ka danbeeyay falalkaas argagixiso. Madaxwaynuhu
wuxuu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday falkaas iyo
kuwii ku dhaawacmayba.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |