shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qudbadii Musharaxa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland
 

(Minnesota, October 12,  2008 Ceegaag Online)

Xaflad si qurux badan looga soo shaqeeyay ka dhacday badhtamaha magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota. Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda dowlada maraykanka qayb ka mid ah, dadweynaha Soomaaliyeed oo isugu jirey: Haween mas’uul ah, Hooyooyin, Arday, Macalimiin, Siyaasiyiin, Shaqaale, Suxufiyiin, Abwaano, Culimo, Isimo, Musharixiin, iyo Caruur.

Xafladan ayaa ku saabsanayd soo dhaweyn loo sameeyey gabadha u taagan musharaxa gudoomiyaha baarlamaanka Puntland. Kulankan oo ahaa mid xasaasiya oo ay dumarka Soomaaliyeed soo buux dhaafiyeen maadaama ay rabaan siyaasad qaybsiga Soomaaliya in ay buuxiyaan qaybtoodii. Furitaankii xafladan ayaa waxa furay Gudoomiyaha Jaaiyada Sool, Sanaag, Kismaayo iyo Cayn mudane Maxamed Xasan Abgaal. Kulankan ayaa waxa ka hadlay gabadh uu qabo ninka u sharaxan jagada senatarka gobalka Minnesota ee xisbiga dimoqoraadiga. Gabadhan ayaa soo dhaweysey in ay aragto gabadh soomaaliyeed oo u diyaar ah in ay raga wax la qaybsato, iyadoo aad u qiireysan ayey waxa ay tiri wada dadaalka oo h aka daalina una fura idhaha gabdhaha Soomaaliyeed, waayo gabdhuhu waa xubin muhiim ah.

Sidoo kale waxa ka hadlay xafladan gabadha u matasha jagada xildhibaanimada ee magaalada Minneapolis gobalka Minnesota, gabdhan oo qudbad dheer ka jeedisay xafladan muhiimada ay gabdhuhu leeyihiin iyo in ay muhiim tahay in ay siyaasada ka qayb qaataan. Gabadhan oo tiri markii aan qabtay xilkan waxa aan u soo hooyay gabdhaha guulo waaweyn oo muhiim ah, hadii aanan xilkan qabteen my heleen waxa aan u qabtay. Xafladan oo uu ka jeediyey qudbad aad u qiimo badan oo laga dhexdhadhan sanayey khibrad iyo waayo aragnimo dheer. Qudbadaas oo uu soo jeediyay musharaxa jagada madaxweynenimada Puntland Mudane Abdiqani Shancad. Qudbadii musharaxa ayaa ku tilmaamay in uu raali ka yahay gabar u taagan musharaxa uuna la shaqaynayo gabadh Soomaaliyeed oo runtii madax ka noqota baarlamaanka Puntland.

Sidoo kale xafladan ayaa waxa ka hadlay Luul Xasan Laari oo ah madaxa Somali Women Civil war Survivors, hadaladii luul waxa ka mid ahaa hadaan gabdhaha nahay diyaar ayaanu u nahay in aanu qabano xilka Baarlamaanka oo weliba aanu qabano jagada madaxweyne-nimada Puntland.

Ugu danbeyntii ayaa waxa qudbad gaaban oo ku salaysan macno ka soo jeedisey Musharax Kobra Keyse Jaamac. Qudbadaas ayaa waxa ka koobneyd sadex qodob oo muhiim ah: qaybta koowaad oo ku saabsanayd taariikh nololeedkeedii, qaybta labaad oo ka kobnayd sababta ku kaliftey in ay xiligan isu soo taagto jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo ugu danbeyntii doorka ay ku leeyihiin dumarka Soomaaliyeed siyaasada. Markii ay qudbada dhamaatay ayaa waxa la furay su’aalihii halkaas oo lagu weydiiyey su’aalo badan.

Daawo xafladii oo video ah: http://www.youtube.com/watch?v=hJ9-8Kl8Erw

Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com