shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

يمحق الله الربا ويربى الصد قات والله لا يحب كل كفار أثيم

(Hargaysa, October 11,  2008 Ceegaag Online)

Waxaaa bilihii ugu dambeeyay, kusoo badanayay hargeysa, (RIBO) la casriyeeyay. Arintani ayaa waxay soo shaacbaxday, bishan ay nu ku jirno.

Hadii aynu soo qaadano, sida loo isticmaalo, qofka waxaa laga qaadayaa, lacag ay ugu yartahay,$600 oo doolar, isagoo bisha marka ay dhamatana, la siinayo lacag dhan $150 doolar, mar waloo lacagtiisu badantahayna waxaa kordhaya faa`iidaada uu helayo, bishii

Intaa waxaa dheer qofka marka heshiiska lala galayo, waxaa lagu war galinayaa, in aanu weeydiin, halka faa`iidada intaa la eg, laga keenayo, iyo lacagtani halka ay mareeyso,

Dadka howshani wada ma aha, shirkdado, NGO, toona ee waa shaqsiyaad, ka kal yimi EUROPE, iyo AMERICA,  waxaa xusid mudan isticmaalka arintani in u badanyihiin, dumarka,

Guud ahaan culumo awdiinka reer hargeysa ayaa baryahaan waxa ay ku howlanaayeen,baraarujinta, dad weynaha,  iyo in ay ka dhaadhiciyaan, arintni in ay xaaraan tahay,

Iyagoo culumadu xusay, in laga fogaado, cida ku jirtana ay isaga baxdo, ilaahayna uga towbad keenaan, culumada oo hadalkooda sii wata ayaa waxa ay sheegeen, waxa maanta haysta, bank-yadii caalamka kuwoodii ugu waaweeynaa, ay tahay isticmaalka RIBADA,

iyagoo soo daliishaday, xadiith-kii Nabi Muxamad (CSW) ee ahaa (Ribadu markasta oo ay naaxdo, ama badato, waxa ay ku dambeeysaa, baab`a)

Shabakada war baahinta Ceegaag Online, ayaa barayhanba waxa ay ku howlaneyd in ay xog ka hesho arintani waxa ayna idin soo gudbin doontaa, wareysi, maqal ah oo ay arintaa kala yeelatay, Sheikh Maxamed Dhego, hadii ALLE Idmo.
 

Xafiiska Wararka Ceegaag Online, Hargeisa
Aadan abdilahi
Mobile: 002522 4420811
Phone: 002522 566507

  

webmaster@ceegaag.com