Shir Jaraa’id oo uu
maanta qabtay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka
Soomaaliland.
(Hargaysa, October 30,
2008 Ceegaag Online)
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil
Cali (Cirro) ayaa sheegay inay sii kordhayso khasaarihii
uu keenay qaraxii shalay lala beegsaday saddex goobood
oo ku yaalla Hargaysa. Wasiirku waxa uu tibaaxay in
tirada dhimashadu ay hadda marayso 22 qof, halka tirada
dhaawacana ay tahay 31 qof.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxa hareero fadhiyay
wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibedda
Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo Qorshaynta
Qaranka Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare). Mudane
Cabdillaahi Cirro ayaa shirkiisa jaraai’d ka sheegay in
ay hayaan caddaymo hordhac ah oo muujinaya dadkii ka
danbeeyay falkaas isla markaana loo qabqabtay dad lagu
tuhunsanyahay in ay lug ku leeyihiin qaraxyadii shalay
ka dhacay magaalada Hargaysa
Wasiirku wuxuu ka codsaday dadka ka
ganacsada gaadiidka in ay iska hubiyaan qofka ama
hay’adda ay ka iibinayaan gawaadhida, isla markaana ay
si sharciyaysan ugu wareejiyaan gaadiidka cidda ay ku
wareejinayaan. Isaga oo sidoo kale ugu baaqay dadka
guryaha kireeya inay hubiyaan dadka ay ka kiraynayaan
guryahooda isla mar ahaantaana waydiiyaan dammiin
qoraal ah oo leh saxiix.
Sidoo kale, Wasiirka Qorshaynta
Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) oo isna
Shirkaa Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay maanta la
shireen Ururada Caalamiga , kuwaas oo uu sheegay inay ku
qanciyeen in xaaladda dalku nabaddii looga bartay ay
tahay, ammaankoodana la sugi doono, isaga oo intaa
raaciyay wasiirku in ay isla maanta la shiri doonaan
Hay’adaha Qaramada Midoobay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |