Urur aan wali la shaacin oo Falastiiniyiin ah oo ka
dhaka-faariyay Israaiiliyyinta
(Marinka
Qasa, October 21,
2008 Ceegaag Online)
Wararka ugu danbeeyay ee
nagasoo gaadhaya dhulka Islaamka laga haysto ee
Falastiin ayaa waxay sheegayaan in ay soo shaac
baxeen urur cusub oo siyaasadiisu tahay inay
Falastiiniyiintu ku biiraan Maamulka Yuhuuda.
Ururkan ayaa waxa uu aaminsan
yahay in la qaato dhalashada Yuhuudnimo islamarkaana
dhulka laga dhigo Hal wadan waa Dhulka yuhuudu
sheeganaso iyo inta Falastiiniyyinta u hadhay ee
marinka Qasa, Daanta Gakbeed iyi Bariga Qudus.
Ururkan ayaa waxaa bilaabay
dhalinyaro aad uga biyo diiday siyaasada ururada
Falastiiniyiinta, kuwaasoo ku guul dareestay inay
dadkooda ka hoos saaraan cadaadiska iyo hagardaamada
Yuuhuuda laga tirada badan yahay.
Ku dhawaaqida ururkan ayaa dib
loo dhigay kadib markii Israa-iiliyiintu u arkeen
ururkan mid khatarku ah in la helo Wadan Yuhuuda
gaar u ah, Ra’yiga caalamkana ku soo jeedinaya.
Mar aanu waydiinay Xaghayaha
ururkan oo dood cilmiyeed ku qabtay magaalada Boston
ee cardigan Mareekanka ayaa sheegay in guulaha ay
durdaba gaadheen uu yahay in Yuhuudu ogolaatay inay
isaga baxaan dhulkii ay ka qabsatay wadanka Cumaan
sanadkii 1967.
Abuu Naasir isaga oo hadalka
sii wata ayaa wuxuu yidhi ugu badnaan waxaan
rajeenanaa inaanu caqlabiyada ka yeelano Yuhuuda 50
sano ee inagu soo aadan sidaasaana doonanaa inaanu
dalka ula wadaagno mar hadii aanu u caalwaynay
inaanu dhulkayaga anagoo mideesan Xoriyadiisa u
dagaalano.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |