Waxaamaanta
lagu toogtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud
madixii uruka samafalka ee IIDA Duriyo Sheekh Doon, goor
ay xafiiskeeda ka soo baxday.
(Guriceel, G. Galguduud. October 25,
2008 Ceegaag Online)
Wararkan ka imanaya Guriceel ayaa
xaqiijinaya dilkaa loo gaystay Duriyo, uu geestay nin ku
hubaysnaa Bastoolad. Dilkan loogaystay Gabadhan ayaa ka
dhigaya Gabadhii samafalka ka shaqeenasay ee ugu
horeesay ee lagu dilayo Koonfurta Soomaaliya.
Dilkan ayaa waxaa aad u dhaliilay
dadwaynaha reer Guriceel, Gabadhan sida waxash nimada
leh laysaga dilay ayaa waxay ka shaqeenasay tababarida,
dumarka iyo dadka la quudhsado.
Iyadoo kaalmaynasay dadka danyarta
ah, barasayna xirfado ay kula soo bixi karaan noloshooda.
Dilalka loo gaysanayo dadka waxgaradka Soomaaliyeed ee
Soomaaliya ku hadhay una adeegaya dadka ayaa waxay salka
ku hayaan mabaadii aan la garanayn cida wadata ku waa
soo lagu banaystay ama lagula dagaalamayo in Maskaxda
Soomaaliya oo Haatan ku sugan Daafaha dunida aysan ugu
soo noqon Soomaaliya.
Dilalka loo gaysanayo dadka wax
garadka ah ayaana hoos u dhigi doonin doonitaanka dadka
daneenaya inay dalkooda ka saaraan dhibaatada iyo Hogaan
la’aanta kajita.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |