Xaalada Guud ee Gobolka
Sool
(Laascaanood, October 22,
2008 Ceegaag Online)
Magaalada Laascaanood ee xarunta u ah
Gobolka
Sool iyo deegaankeeduba waa mid degan, marka loo
eego dagaalada iyo nabadgelyo xumida ka jirta dalka.
Dadka noloshoodu inta badan waa mid aad u liidata,
sababtoo ah waxaa ka jira sicirbarar baahsan oo dad
badan noloshooda cidhiidhi geliyey.
Waxaa jira dad yar oo kuwa wax haysta ah, isla markaana
aan danayneyn dadka danyarta noloshooda, waxaa taa u sii
dheer roobabkii dayrta oo aan si fiican u helin Gobolka
Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood, in kastoo ay
jiraan meelo Gobolka ka mida oo ay roobab heleen.
Sidaas daraadeed raxmada ilaahay oo ah ta keliya ee
dadku u siman yahay, miyi iyo magaalaba waxna ka
bedelikarta nolosha dadka.
Waxaa kale oo iyana jirta in dadka Gobolka degan ra'yiga
ama fekerka aad loogu kala fog yahay xaga maamulada
Puntland iyo SomaliLand, kuwaas oo midna laga saaray
magaalada waa PL, midna soo galay SL,15/7/007.
Sababtoo ah ilaa iyo burburkii Dowladii dhexe ee
Soomaaliya Siyaasiyiinta Gobolka Sool iyo Gobolada SSC
waxay u kala qaybsanaayeen maamulada PL iyo SL, qaarba
qaarka kale ayay eedeeyaan kuna sheegaan inaanay
wadaniyiin ahayn.
Waxaase layaab leh Goboladaa iyaga ah Siyaasiyiintoodii
iyo Waxgaradkoodii oo dhami, waxay u daawanayaan
mustaqbal xumida haysata dadkooda iyo dalkooda.
X.WARARKA CEEGAAG ONLINE
LAASCAANOOD
webmaster@ceegaag.com |