shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xijaabka Gabdhaha Islaamka ah ee Soomaaliyeed waxa uu i xasuusinayaa Usama Bil-ladan oo ina soo weeraray Sept 11 2001.

(Grand Island, Nebraska October 18,  2008 Ceegaag Online)

Sidaa waxaa yidhi duqa magaalada Garand Island ee gobolka Nebraska  Margaret Hornady. Haweenaydan oo waraysi qaatay mudo 45 daqiiqo ah siisay jariirada afka dheer ee New York Times Khamiistii dhawayd ayaa ku nuux nuux satay dareenkeeda ku wajahan  dhibka uu ku hayo araga Xijaabka Gabdhaha soomaaliyeed xidhaan.

Iyada oo hadalkeeda sii wadata ayay waxaysheegtay ina dadka cadaanka ah ee Mareekanku la daalaadhacayaan la qabsiga isbadalka ku yimid mushtamacooda, sidaa awgeed aysan iyadu wax cadaawad ah u qabin dadka imanaya wadanka ee ku soo biiraya mushtamaca maraykanka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha ururka Soomaalida maraykanoowday ee reer Omaha (Somali-American Community Organization) Maxamed Raage ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalkaa kuna tilmaamay mid aan u qalmin inuu ku hadlo masuul matala dadka reer Grand Island,

Isagoo ugu baaqay inay jagada Mayarnimo sida ugu dhaqsaha badan uga degto waayo ayuu yidhi uma qalanto dhinaca kale soomaalida ku dhaqan magaaladan iyo gobalka Nebraska ayaa walaac ka muu jiyay sida loo la dhaqmayo iyo hadalada lagu Diin takoorayo oo uga imanaya dhamaan bulsada ay la dhaqan yihiin martidana u yihiin.

Iyadoo ay ahayd uun bishii ina dhaafaty ee Ramadaan in ay geeska galiyeen dhamaan shaqaalihii ay dad soomaali-yeed  kala shaqeenayeen warshad hilibka samaysa ee JBS Swift & Co, shaqaalahaa oo ahaa Dadka laga keenay Suudaanta Koonfureed, dadka Isbaanishka ah oo garbsanayay dadka cadaanka ee deegaanka awoowayaashood ka fara maroojiyeen dadkii Calibaysteenada ahaa ee Mareekankii Hore.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com