Xukuumada Washington oo
dooneysa in DFS waqtiga loo kordhiyo, halka Ethiopia ay
qorshahaas ka hortimid.
(Soomaaliya, October 23,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa soo baxaysa tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan
ujeedada ka dambeysa shirka wadamada IGAD ay ku
yeelanayaan Magaalada Nairobi,
Wararka ayaa sheegaya in
Jendayi
Frazer ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibedda
ee Mareykanka ay doonayso in mudada loo kordhiyo
Madaxweyne C/llaahi Yusuf Axmed halka Xukuumada
Addis Ababa ay doonayaan in Baarlamaanku uu sii
jiro laakiin Madaxweyne Yuusuf la bedelo iyadoo
Ra’iisal Wasaarihii hore Cali Max’ed Geeddina uu wado
qorshe markale uu iskugu soo taagayo inuu Xil ka qabto
Dowladda KMG, Dowladda Itoobiya ayaa dhinaca kale
doonaysa in ay Dalka Soomaaliya ku sii joogaan magaca
nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.
Qaramada
Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa si xoog leh uga soo
horjeeda is qabqabsiga Dowladda KMG ah taas oo ay ku
macneeyeen sii socoshada dagaallada aan dhamaadka
lahayn ee kajira Koonfurta Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Ato Meles
Zenawi oo la kulmay Dr
Asha-Rose
Migiro oo ah kusimaha Xoghaya Guud ee Qaramada
Midoobay oo u dhalatey dalka Tanzania ayuu u sheegey in
Dowladda Soomaaliya aysan karti u lahayn inay is xukunto
haddii ay ciidamadeedu dalka ka soo baxaan, waxaana uu
Meles Zenawi codsadey in ciidamadiisa loo ogolaado inay
ka hoos shaqeeyaan kuwa Qaramada Midoobay oo ay xirtaan
koofiyadaha buluugga ah.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |