shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Midowga Afrika oo ka hadlay Weerarada lagu hayo Askartooda ku sugan Magaalada Muqdisho.

(Addis Ababa, Sept 17,  2008 Ceegaag Online)

Ururka Midowga Africa ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada lagu hayo ciidamada nabad ilaalinta ka jooga Soomaaliya kadib markii Labo Maalmood oo is xigta Qaraxyo Miino lagu dilay askar Nabad ilaalinta ka tirsan xilli ay marayeen Waddooyinka Caasimadda Muqdisho.

War ay ka soo saareen Magaalada Addis ababa xarunta Midowga Afrika ayey ku carnbaareeyeen weerarda Joogtada ah ee lagu hayo Ciidamada AMISOM ee jooga Magaalada Muqdisho.

Midowga Africa waxaa ay sheegen in aanin waxba u dhimi doonin weeraradasi meel marinta heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti iyo weliba hadafka Midowga Africa oo ah nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya.

Midowga Africa waxaa ay beesha caalamka ugu baaqeen in ay u aqoonsadaan weeraraadasi in ay yihiin kuwa ka dhan ah ammaanka Caalamka,waxana ay sidoo kale beesha Caalamka ku booriyeen in dadaalo adag ay ku bixiyaan sidii dalka Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa xasilooni.

Kooxaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo horjeeda ayaa Labadii Maalmood aynu soo dhaafnay waxaa ay bartimaamed ka dhigteen Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii waxa ay midowga Africa daboolka ka qaadeen in ay sii wadi doonaan dedaaladooda ku aadan sidii xal dhab ah looga gaari lahaa dalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com