Ahmed Ould Abdallah oo digniin ujeediyay Kooxaha ka
qeybgalaya Shirka Dib U heshiisiinta Jabuuti.
(Jabuuti,
Sept 18,
2008 Ceegaag Online)
Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya
Ahmed Ould Abdallah ayaa sheegay in wixii ka
dambeeyay Maalinta Jimcaha uu si rasmi ah u dhaqan
galayo Heshiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo
Mucaaradkeeda.
Ahmed Ould Abdallah ayaa ugu baaqay labada dhinac
inay dhaqan geliyaan heshiiska Xabad joojinta, isla
markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha burin kara
heshiiskaas sida uu hadalka u dhigay, Ahmed
Ould Abdallah ayaa sheegay in aan laga ogolaan
doonin kooxaha qalalaasaha ka wada Soomaaliya in ay
iska sii wadaan dhibaatada, wuxuuna caddeeyay in
Sabtida soo socota wixii ka bilowda la eegi doono
ciddii dooneysa in ay dhibaatada Soomaaliya sii
socota, isagoo Kooxaha ku lugta leh dhibataada
Soomaaliyana uga digay in ay afkooda isku
maxkamadeeyaan.
“Waxaan u maleynayaa xiligaas kadib cid kasta oo
meel fagaare ah ka sheegata in ay dil iyo qalalaase
sii wadeyso waxay isu soo bandhigi doontaa
cadaaladda, waana ay dhamaatay waqtigii la xisaabtan
la’aanta” ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey ee
Arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah oo intaa ku
daray in kooxaha dhibaatada ka wada Soomaaliya ay
dhici karto in la hor-geeyo Maxkamadda Dembiyada
Dagaalka ama Maxkamad Mustaqbalka loo sameyn doono
Soomaaliya.
Hadalka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha
Soomaaliya Ahmed Ould ayaa u muuqday mid ka kulul
kuwii hore, isagoona digniintiisu ku sheegay kama
dambeys ah, xilli aanay wali dhaqan gelin heshiiskii
Xabad joojinta ee ay 9-kii Bishii June ku gaareen
Labada Dhinac Dalka Jabuuti, hase ahaatee waxaa ka
soo horjeestay Kooxaha Islaamiyiinta sida Xoogaga
Al-shabaab oo dhowr jeer qaaday dagaalo ay ku
jebineyso waxa ay ugu yeertay Heshiiskii been beenta
Jabuuti.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |