Dagaal
iyo duqeyn Dad rayid ah ay ku dhinteen oo xalay ka
dhacdey magaalada Muqdisho.
(Muqdisho
Sept 24,
2008 Ceegaag Online)
Dagaalka oo ay qaadeen kooxaha ka horjeeda Dowlada KMG
ah ayaa bilawday abaaro 10:15PM waxayna Kooxaha dagaalka
soo qaaday beegsadeen fariisin ciidamada AMISOM ay ku
leeyihiin KM4 iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa dhamaantood ahaa dad rayid ah,
iyadoo tirada Dhimashada lagu qiyaasay 18 halka 30 kale
ay ku dhaawaceen Dagaal iyo duqeyn is daba joog ahaa oo
xalay ka dhacay Muqdisho.
Dadkii ku dhaawacmay qaarkood ayaa saaka iyo xalay waxaa
la geeyay isbitaalada ku yaala koonfurta magaalada
Muqdisho, iyadoo wali ay jiraan dad dhaawacyo qaba oo
xaafadaha laga soo saarayo.
Ciidamada AMISOM oo ahaa ciidankii la weeraray ayaa waxa
ay ku jawaabeen madaafiic iyo rasaas dhawaqeeda laga
maqlayay xaafadaha dadku degan yahay, waxayna
ciidamadani banaanka u soo saareen gaadiidka Gaashaaman
iyo hub culus .
Dagaalka ayaa waxa uu qaboobay isla xalay waloow ay mar
mar soo dhacayeen madaafiic hoobiyaayaal iyo kuwa ka
dhaca Tankiyada kuwaas oo laga soo ridayay xarumaha
ciidamada Amisom.
Habeenkii labaad ayuu xalay u ahaa dadka Reer Muqdisho
iyadoo firxadka haween caruur gacmaha haya lagu arkayay
gudaha xaafadaha qaar.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |