Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda oo ku kala
dareeray Shirkii Jabuuti uga socday.
(Jabuuti Sept
21,
2008 Ceegaag Online)
Shirkii Dalka Djibouti uga Wada socday Dowladda KMG ah
iyo Isbahaysiga dib u xoreynta ayaa lagu kala tagay
iyada oo aan dib dambe loo balamin ka dib markii la isku
mari waayay qodobada Heshiiska Qaarkood, Labada dhinac
ayaa la sheegayaa in ay isku mari la’yihiin qaabka loo
dhigayo Bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Gudaha
Dalka Soomaaliya.
Isbahaysiga ayaa la
sheegayaa in uu ku adkaystay in Ciidamada Itoobiya mudo
30 maalmood ah uga Baxaan Magaalooyinka Dalka Soomaaliya,
halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ahna ku sheegtay in
laga dhigo ciidamada itoobiya ha uga baxaan Mudo 30
maalin xaafadaha ay ka deganyihiin Magaalooyinka
Soomaaliya gaar ahaan Goobaha Shacabka daganyahay oo
kaliya.
Ahmed Ould Abdalla
ayaa isaga tagay Madasha Shirka Habeenimadii Xalay
abaare 11:00 fiidnimo isaga oo u kicitimay Magaalada New
York ee xarunta Qaramada Midoobay.
Sidoo kale
Gudoomiyaha Isbaheysiga Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan
ayaa iyaguna caawa lagu wadaa in ay ukicitimaan Dalka
Boqortooyada Sacuudiga, si ay u soo cumraystaan.
Dowlada Djibouti
ayaa iyadu la sheegayaa in ay soo kala dhex gashay
labada dhinaca isla markaana isku dayayso sidii uu
shirku uga badbaadi lahaa Fashil ku yimaada, Dhamaan
xubnaha labada dhinaca ayaa ka wada Maqan Hoolkii
Shirarka iyada oo Ergada Qaramada Midoobay ee dhex
dhexaadinaysa labada dhinac ay qolo waliba ugu tagayso
Hotelka ay ka degantahay magaalada Jabuuti.
Si kaste ha aahatee
ma muuqato xili kale oo ay labada dhinac kulmayaan iyada
oo dadka qaar u arkaan shirkani in uu fashil qarka u
saaranyahay haddii aan la bad-baadin Maalmaha inagu soo
fool leh.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |