shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Faransiiska oo sheegtay in ay xoog ku soo furatay dadkii looga haystay xeebaha dalka Soomaaliya.

(Paris, Sept 16,  2008 Ceegaag Online)

Warbixin laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in ciidamada Faransiiska ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya ay soo badbaadiyeen labo qofood oo u dhalatay dalka Faransiiska oo horay kooxo burcad badeed ah ku qafaasheen xeebaha dalka Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in ciidamada Faransiiska oo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaano helicopterska ayaa waxay hawl gallo ay ka sameeyeen xeebta Baargaal ay ku dileen hal qof oo ka tirsanaa kooxaha burcad badeedka, iyagoo sidoo kale qabtay ilaa Lix ka tirsan kooxahaasi.

Warbixintu waxay intaasi ku daraysaa in labada qof ee u dhashay dalka Faransiiska ay si nabad ah ula wareegeen ciidamada Faransiiska, isla markaana la rajaynayo in loo duuliyo magaalada Paris ee dalka Faransiiska, iyadoo kooxaha burcad badeedda oo ay qabteenna ay ku hayaan maraakiib dagaal oo Faransiisku leeyahay oo ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya.

Kooxaha burcad badeedda ah ee afduubka ku haystay lamaanaha u dhashay dalka Faransiiska ayaa  sii deynta Lamaanahan ku xiray lacag madax furasho ah oo dhan $1,400,000.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com