Cali Axmed
Jaamac (Jengali) oo Somalia uga qeybgalidoona Shirka
Golaha QM ee manta ka furmey Magaalada New York.
(New York
Sept 23,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa Maanta
Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ka
furmaya kulan ay ka qeyb galayaan dhammaan dalalka
xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, kaas oo ay ka qeyb
galayaan in ka badan 170 xubnood oo isugu jira
Madaxweynayaal iyo Diblomaasiyiin.
Shirkaasi waxaa
dhinaca Soomaaliya uga qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali
Axmed Jaamac (Jengali) oo matalaya Madaxweynaha Dowladda
Federaalka Soomaaliya oo aan isagu u suurto gelin inuu
ka qeyb galo kulankaasi.
Cali Axmed Jaamac (jengali)
ayaa lagu wadaa inuu kulankaasi ka jeediyo qudbad
nuxurkeedu yahay codsi la xiriira sidii ciidamo ka socda
Qaramada Midoobay loogu soo dirilahaa dalka Soomaaliya.
Waxaa kulankaasi ay
yeelanayaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay
hadal ka jeedin doona ergayga gaarka ah ee xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha
Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah oo isagu
dhex-dhexaadinayay wada hadaladii nabadda ee natiijo
la’aan ku dhamaaday ee dalka Jabuuti ku dhex maray
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |