shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cali Axmed Jaamac Jengali oo Ban Ki Moon kala Hadley Arrimaha Somalia.

(New York, Sept 27,  2008 Ceegaag Online) 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed jaamac (Jengali) ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax ka tirsan Beesha caalamka.

Cali Axmed Jaamac (Jengeli) ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo wadamada Caalamka u bandhigay in wax laga qabto xaalada dalka Soomaaliya, isla markaana ciidamo loo diro dalka Soomaaliya arrintaasi oo looga fadhiyo inuu ansixiyo Golaha loo dhan yahay ee UN-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jangeli ayaa lagu wadaa inuu Maanta khudbad ka jeediyo golaha ay ku dhan yihiin hogaamiyaasha caalamka.

Mudane Jangali ayaa Khudbadiisa la filayaa in uu diirada ku saaro sidii caalamka ay taageero Buuxda usiin lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo laga kabayo dhinacyada Dhaqaalaha iyo Amniga.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed
ayaa sababo aan la shaacin uga baaqday ka qeybgalka Shirka Madaxda caalamka uga socda xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com