Kooxaha afduubka ku haystay markabkii hubka siday oo
digniino adag u jeediyay maraakibta dagaalka.
(Somalia,
Sept 27,
2008 Ceegaag Online)
Kooxaha afduubka
ku haysta markab laga leeyahay dalka Ukraine oo
siday shixnado hub iyo rasaas fara badan ayaa
digniintii ugu ba’neyd u jeediyay maraakiiba
dagaalka ee dalalka Reer galbeedku leeyihiin, kuwaas
oo baacsanaya markabkaasi.
Kooxaha afduubka
ku haysta markabkaasi oo la sheegay inay markabka ay
ula soo dhaqaaqeen xeebaha u dhexeeya Xaradheere iyo
Hobyo ayaa waxay sheegeen in haddii maraakiibta
dagaalka ee shisheeyaha ay isku dayaan inay xoog ku
furtaan markabkaasi ay cawaaqib xumo kala kulmi
doonaan.
Kooxahan ayaa la
sheegay inay shalay ilaa xalay ay qaylo dhaan iyo is
urursi ka wadeen xeebaha deegaanada Hobyo iyo
Xaradheere, waxaana lagu soo warramayaa inay
kooxahaasi markabka ku ilaalinayaan doomanka
dheereeya oo ay saaran yihiin hubka lidka
diyaaradaha iyo gantaalo kala duwan, waxayna qaar ka
mid ah kooxahaasi dul saaran yihiin markabka.
Khabiir u
dhashay dalka Maraykanka ayaa ka digay halista ka
imaan hubka saaran markabkaasi oo ay burcad badeeddu
afduubteen, wuxuuna intaasi ku daray in hubkaasi
laga yaabo inuu gacanta u galo koox ka mid ah
kooxaha isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya,
taasoo iyadana arrin khatarteeda leh.
Dhinaca kale
markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku
soo fool leh goobaha lagu haysto markabkaasi hubka
sida ee dalka Ukraine laga leeyahay isagoo isku
dayaya inuu si xoog ah ku furto markabkaasi oo ay
kooxaha burcad badeedda ku hareereysan yihiin.
Markabkaasi ayaa
wuxuu siday shixnado hub ah oo ka kooban 33 tangi oo
noocyada loo yaqaano T-72 iyo qoryaha cul-culus sida
baasuukaha, Zuuga iyo dhashiikaha, waxaana hubkaasi
laga soo iibiyay dalka Ruushka, waxaana markabkaasi
uu ka yimid dhinaca dalalka Baltic waxaana uu ku sii
jeedey magaalada Mombasa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |