Qaabkee ayaa loo soo furtay Labadii Lamaane ee Lagu
Afduubtay Gudaha Magaalada Bosaaso (Daawo Sawiradda)
(Bosaaso Sept
23,
2008 Ceegaag Online)
Abaaraha 11-
Duhurnimo ee maanta ayaa Booliska Magaalada Bosaaso
waxay ku Guulaysteen inay soo furdaamiyaan laba Lamaane
oo dhawaan lagu Afduubay Gudaha Magaalada Bosaaso ee
xarunta G/ Bari, dadaalkaasi waxa hareer socday mid ay
wadeen Cuqaasha iyo Isimada Gobolka Bari kuwaasi oo
iyana kaalin wayn ka qaatay.
Labadan ruux ee isu
dhaxay ayaa mudo laga joogo 2- habeen waxa Afduubay
dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoon kuwaasi oo ka
kaxaystay xili ay ka soo baxeen Salaada Taraawiixda
waxana ay ku soo jeedeen dhanka Hooygooda.
Abuu-Bakar AL-Cabaasi
oo warbaahinta la hadlay isaga oo ku hadlayay Afdka
Englishka ayaa sheegay inuu mahad balaadhan u jeedinayo
Ilaahay oo Gartay in Maanta si Nabad ah lagu soo daayo,
waxa uu sidoo kale u mahad celiyay dhamaan shacabka Reer
Bosaaso oo dhexda u xidhay in ninkaasi si Nabad ah lagu
soo daayo Maadab uu yahay Nin haysta Diinta Islaamka
isla markaana Qaba Gabadh reer Puntland.
Booliska Magaalada
Bosaaso oo aad loo hubeeyay ayaa weerar buuxa ku qaaday
goobta lagu haystay labadaasi ruux kuwaasi oo dagaal uu
dhex maray Dablayda iyo Booliska iska hor imaadkaasi oo
socday qadar daqiiqado ah ayaa Booliska waxa u suura
gashay inay gudaha u galaan gudka lagu hayay labadaasi
ruux kuwaasi oo dhawaac culus u gaystay mid ka mid ah
Afduubayaashii.
Wasiirka warfaafinta
ee is Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed
Bankax ayaa isla markiiba shir"jaarid ku qabtay Aqalka
Mataxtooyada ee Magaalada Bosaaso isaga oo si faah
faahsan uga hadlay qaabkii loo soo Furtay Ninkaasi
Jarmalka ah iyo Xaaskiis ah oo Gabadh Somaliyeed ee ka
soo jeeda Gobolada Puntland.
Wasiirka ayaa
sheegay inay ciidamada Booliska Puntland ku
mahadsanyihiin qaabka fiican ee ay ula dagaalameen
Budhcadaasi, waxana uu intaasi ku daray in la soo qabtay
qaar ka mid ah Afduubayaashii kuwii kalen wali lagu raad
joogo.
Bankax ayaa ku cel
celiyay in Xukuumada Pl ay ka go"antahay la dagaalanka
waxa loogu yeedho Budhcad badeeda isaga oo farta ku
fiiqay in cidii falkaasi lagu tuhmo ay Maamulka Puntland
ka qaadayaan talaabo cad.
Ugaas Xasan Ugaas
Yaasin oo ka mid ah Isimada sida aadka ah looga yaqaan
Gobolada Puntland kana mid ah dadkii soo daynta Ninkaasi
loo xil saaray ayaa warbaahinta kula hadlay Aqalka
Mataxtooyada ee Magaalada Bosaaso.
Ugaaska ayaa sheegay
inay ku guulasyteen dadaal dheer oo ay galeen anaga oo
gacan ka helayna buu yiri Booliska Puntland, Ugaasi
Xasan ayaa dhanka Maamulka Puntland ugu baaqay inay la
dagaalamaan kuwa Afduubka maleega isaga oo waliba
sheegay inay kuwaasi oo doonayaan inay Amaanka Puntland
maja xaabiyaan.
Isku soo xooriyoo
sii daynta Ninkaasi ayaa waxa aad u soo dhaweeyay
dhamaan shacabka Reer Puntland kuwaasi oo ku tilmaamay
talaabada ay Boolisku maanta qaadeen mid Tariikhi ah.
Xigasho:
Laasqoray.net
webmaster@ceegaag.com |