Madaxweyne
Yuusuf ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo maamulka
G/banaadir.
(Muqdisho, Sept
09,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilalka uga
qaadayo xubnihii hore ee maamulka gobolka Banaadir uu lahaa
isagoo magaacabay maamul ku meel gaar ah oo aan la shaacin
mudada uu hayano.
Ra'isal wasaare Nuur Cadde ayaa goobjoog ka ahaa magacaabida
gudigan cusub, sidoo kale waxaa goobta fadhiyay xubnihii
maamulkii hore ee gobolka oo uu ugu horeeyo Maxamed Cumar
Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo ku xigeenadiisa.
Wareegta oo uu aqriyay Afhayeenka Dowlada KMG ah Cabdi Xaaji
Goobdoon ayaa waxay u qorneed sidan:
1-Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Gudoomiye
2-C/qaadir
Maxamed Walaayo G/kuxigeen
3-Xasan Maxamed Cismaan
Xubin
4-Eng
.C/llaahi Cali
Xubin
5-Maxamed C/llaahi Xaamud
Xubin
6-Cismaan Maxamed Jaamac Xubin
7-Xuseen Cadoow Cali
Xubin
8-C/llaahi
C/Nuur Weheliye Xubin
9-Suufi Muudeey Cali
Xubin
10-
Cali Maclin Nuur (Cali yare) Xubin
11-Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) Xubin
12-Nuur Maxamed Xuseen Xubin
Maamulkan KMG ah ee uu Madaxweynuhu magacaabay ayaan la
ogeyn ilaa goorta ay xilalka haynayaan iyadoo mudo
koobana ay ka harsan tahay xiligii ay Madaxweynaha iyo
Ra'iisal Wasaaraha ku soo heshiiyeen inay maamul la soo
doortay loo dhiso Gobolka Banaadir, waxaana Xubnahan la
magacaabay ku jira kuwo ay aad u qadariyaan Bulshada ku
dhaqan Gobolka Banaadir inkastoo aad moodo in Madaxweynaha
uu meesha ka saaray kaalintii ay Haweenka ku lahaayeen
maamulka Gobolka Banaadir.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |