Madaxweyne
Yuusuf oo muddo u qabtay Isticmaalka Baasaboorkii
hore Soomaaliya, Fariina udiray Shirkadaha duulimaadka ee
dalka
(Muqdisho
Sept 20,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa wareegto uu soo saaray waxaa ayuu ku
sheegay inaan la isticmaali Karin Baasaboorkii hore ee
dalka laga bilaabo 30 bisha aynu ku jiro ee September
wixii markaas ka dambeeyana la isticmaali doono sida uu
Madaxweynuhu sheegay Baasaboorka cusub ee E-Passport
loo yaqaano.
Isagoo
ka hadlayay arrimaha Baasaboorada ayuu
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed
ayuu sheegay in
Hay'adaha ku shaqo leh howlaha socdaalka looga baahan
yahay inay u hogaansamaan wareegtada laga bilaabo 30
bishan ayna bixiyaan adeega baasboorka cusub.
Madaxweyne
Yuusuf waxaa uu dhinaca kale ka hadlay xiritaanka
Garoonka Muqdisho ay xireen kooxda Al Shabaab isagoo u
sheegay Shirkadaha Diyaaradaha ee sida gaarka ah loo
leeyahay inay ka soo degaan Garoonka Muqdisho haddii
kalena lagala noqon doono waa sida uu yiri warqadda
ogolaanshaha ah ee ay haystaan Shirkadaha.
Kooxda
Al Shabaab ayaa uga digtay Shirkadaha Diyaaradaha ee
Soomaaliya inaysan ka soo degin Garoonka Diyaaradaha ee
Magaalada Muqdisho haddii ay baaqooda ka dhago adeegaana
ay mas'uuliyadeeda qaadidoonaan.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay inaan la
aqbali Karin inay meel kale oo dalka soomaaliya ka
degaan Shirkadaha Diyaaradaha haddii ay taasi dhacdana
tallaabo adag laga qaadi doono.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |