Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo wefdi uu hogaaminayo
ayaa gaaray Dalka Jabuuti.
(Jabuuti,
Sept 15,
2008 Ceegaag Online)
Wafdi balaaran oo uu
Hogamyinayo Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan
Xussun (Nuur Cadde) ayaa gaarey Magaalada Jabuuti ee
dalka Jabuuti,halkaas oo lagu wado in laga sii amba
qaado wadahadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo Mucaaradkeeda oo dhawaan heshiis kuwada
saxiixay dalkaasi. .
Ra’isal wasaare Nuur
Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa
maanta ka ambabaxay Garoonka calamiga ah ee Magaalada
Muqdisho iyagoo isla maanta gaaray dalka Jabuuti .
Xukamadda Federaalka
Somaaliya iyo Isbahaysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti
ee uu Hogaamiyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo
guddoomiyeha golaha dhexe ee isbahaysiga dib u xoreyta,
ayaa iyaguna soo garay Dalka Jabuuti isla maanta iyagoo
ka yimid Magaalada Nairobi oo maalmaahaan ay kulan kula
lahaayen Beesha caalamka Iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
halkaas ku sugan .
17-ka bishan ayaa
lagu wadaa in si rasmi ah Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
iyo isbahaysiga dib xoreynta uu shirkooda halkaasi ka
furmo.
Kooxda Xiriirka
caalamiga ah ee daneeya Arrimaha Soomaaliya iyo Wakiilka
gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u
qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Axmed Ould Abdallah ayaa
halkaas ku wada sugan.
Wadahadalada ayaa
waxaa diiradda lagu saari doonaa Guddiyada Siyaasadda
iyo Ammaanka labada dhinac ee dowladda KMG ah iyo
mucaaradka, sidoo kale waxaa looga hadli donaa qaabkii
loo sii wadi lahaa geedi socodka hanaanka dib u
heshiisiinta iyo sidii loo dhaqan galin lahaa qodobada
ay ku heshiiyeen labada dhinac.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |