shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo Saxaafadda la hadlay kadib markii uu ku soo Laabtay Magaalada Muqdisho

(Muqdisho  Sept 25,  2008 Ceegaag Online) 

Raiisal wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo wafdi uu hogaminayey ayaa manta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii ay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti kaga soo qeyb galeen shirkii dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo isbaheysiga dib u xoreynta wejigiisa saddexaad oo dhowaan halkaasi lagu soo gebagebeeyey iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo ka soo baxay ka dib markii la isku mari waayey qodobada qaar.

Nuur Cadde ayaa si lama filaan ah saaka usoo caga dhigatay diyaaradii siday garoonka Aadan Cadde ee uu muran badani ka taagnaa maalmihii ina soo dhaafay taasoo sababatay in ay ku geeriyoodaan dad badan kuwana uu dhaawacyo kala duwan ka soo garay halka qaarkoodna ay u dhinteen madaafic lala maaganaa diyaaradaha ka soo dagayey iyo kuwo lagu difaacayey kuwaas oo ay isweydaarsanayeen ciidamada Dowlada iyo oo ay taageerayaan kuwa AMISOM iyo kooxaha Dowlada ka soo horjeedo oo ay ugu horeyso kooxda alshabaab oo iyadu sheegatay mus'uuliyada lagu xiray garoonka diyaradaha Muqdisho ,

                   

Ra'iisal Wasaare Nuur cadde oo markii uu yimid Muqdisho ayaa Shir Jaraa'id qabtay oo arimo badan oo quseeyo dalka gudihisa iyo dibadiisa iyo shirkii Jabuuti qadobadii lagu gaaray iyo sidoo kale wixii ka soo baxay safarkiisa ugu dambeeyey wuxuuna salaan u soo gudbiyey Umada Soomaliyeed, isagoo ALLE u baryey umada Soomaaliyeed in uu dhibaatada ka saaro sanadkan kiisa kale na uu ku garsiiyo nabad iyo barwaaqo

                   

Raisal wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in shirkii jabuuti uu dhamaaday balse ay jiraan qodobo la isku afgartay iyo kuwo weli ay wax ka dhiman yihiin wuxuuna sheegay in loo saaray gudi qiimeeya qodobada la isku mari waayey mudo 15 maalmood ah gudahod wuxuuna hoosta ka xariiqay in bil ka dib uu shirku dib u furmi dono

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde ayaa cadeeyey in arimo badan isku aragti laga noqday shirkii June 11-dii iyo kii August 19 dii iyada oo la dhaqan galiyey xabad joojin Dhawaana Ciidamada la kala qaadidoono.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com