shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka Hadley Xaalada Magaalada Kismaayo.

(Muqdisho, Sept 02,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay in heshiiskii jabuuti ku wada gaareen Dowladdiisa iyo kooxaha mucaaradka la jebiyay iyadoo C/risaaq Ashkir isna uu sheegay in Kismaayo dib u hanashadeeda ay la kaashan doonaan cid waliba oo ay gacan ka heli karaan

“Waxaa jira dad dagaal diyaar u ah oo weli ku nool gudaha Soomaaliya, waxaan hubaa in qabsashada Magaalada Kismaayo lagu jabiyay heshiiskii Jabuuti”ayuu yiri Madaxweynaha Dowwladda KMG ah ee Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in Dowladiisu dulqaadkii ay u haysay kooxaha weerarada ku soo qaadayo uu ka dhamaanayo,wuxuuna sheegay inay jawaab ka bixin doonaan tallaabooyinka kooxaha dagaal doonka ka wada Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Dib u heshiisiinta Dowladda Soomaaliya C/risaaq Ashkir Cabdi oo Maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shirkiisa jaraa'id waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, baaq uu u jeedinayo Beesha Caalamka oo ah in gargaar lala soo gaaro dadka tabaaleysan iyo xaaladda Guud ee Magaalada Kismaayo.

C/risaaq Ashkir ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Kismaayo si qalad ah weerar loogu qaaday isla mar ahaantaasi aanu halkaasi joogin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya isla markaasina aan la ogeyn cidda qabsatay iyo cidda loo qabanayo wuxuuna sheegay in dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeyso magaalada Kismaayo kadibna loo sameyn doono maamul adag oo dowladda ka tirsan.

Wasiirka Dib u heshiisiinta waxa uu si kulul u cambaareeyay falkaasi lagula wareegay Magaalada Kismaayo isagoo sheegay in haddi la tegayo Magaalada Kismaayo aan la tagayn iyadoo la sacbinayo, cidkastana lala kaashanayo sidii Magaaladaasi loogala wareegi lahaa xoogaga gacanta ku haya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com