shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shirkii Jabuuti uga socdey Dowladda KMG ah iyo Mucaaradkeeda oo meel xaasaasi ah maraya.

(Jabuuti, Sept 18,  2008 Ceegaag Online)

Wada Hadaladii Dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uga socday Magaalada Jabuuti ayaa haatan maraya meel xasaasi ah, iyadoona la guda galay qodobo aad muhiim u ah.  

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in goor dhweyd ay isa soo hor fariisteen Gudiyada Siyaasada iyo Ammaanka ee ay iska soo dhex xuleen dhinacyada Dowladda KMG ah iyo Mucaaradkeeda, waxaana ay guda galeen wada hadaladooda arrimahaas.

Kulmada Gudiyadan u socda oo ah mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa ugu xasaasiyan midka u socda Guddiga Ammaanka, kaasi oo ajendayaasha uu ka doodayo ay yihiin kuwo aad u culus oo aan la ogeyn sida ay labada dhinac isugu waafaqi doonaan.

Qodobada ay ka doodayaan Gudiyada Ammaanka ee Labada ayaa ka ah In Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Isbaheysiga la isku daro, isla markaana xero la wada dejiyo, In Ciidamada Ethiopianka ay ka baxaan Xaafadaha magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, kadibna fursad loo siiyo in ay isu diyaariyaan sidii ay Soomaaliya uga bixi lahaayeen.

Qodobka isku-darida Ciidamada labada dhinac oo la sheegay in uu ka yimid dhinaca Xubnaha Guddiga Ammaanka ee Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka soo horjeestay Xubnaha Guddiga Ammaanka ee Isbaheysiga Dib u xoreynta oo ku dooday in aanay suurtagal ahayn in Ciidamo dagaallamayay ay xero wada galaan, taasi bedelkeedana loo baahan yahay in iyana xerooyin gaar ah loo sameeyo.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com