Taliyihii Booliska Puntland Gen. Gaani Max’ud Xaaji
oo ay Dabley Hubeysan xalay dhaawaceen.
(Bosaaso,
Sept 17,
2008 Ceegaag Online)
Dab
hubeysan ayaa xalay ku dhaawacay Gudaha Magaalada
Bosaaso Taliyihii ciidamada Booliska ee maamulka
Puntland Gen. Gaani Maxamuud Xaaji, Taliyaha ayaa
rasaastan la sheegay in ay ka haleeshay Madaxa iyo
qaarka sare iyadoo loola cararay Cisbitaalka
Puntland Hospital ee Magaalada Boosaaso,
Xaalada caafimaad ee Taliyaha ayaa haatan laga soo
deyrinayaa waxaana la sheegay in Kooxihii falkan
geystay gacanta lagu dhigay, Kooxaha falkan geystay
ayaa la sheegay in ay doonayeen in ay dilaan
Taliyaha balse wuu ka badbaaday, laakiin waxaa soo
gaaray dhaawac halis ah inkastoo laga yaabo in lugu
sameeyo Qaliin looga saarayo qaar ka mid ah
Xabadihii ku dhacay waxana dhacdadan fajaciso ku
noqotay masuuliyiinta Mamul Goboleedka
Puntland.
Kooxaha falkan geystay ayaan la aqoon ujeedada ay ka
lahaayeen iyo dhaawaciisa waxa uu la xariiro balsa
waxaa loo maleenayaa in ay qeyb ka tahay Dilal
qorsheysan oo ka dhaceyey Mudooyinkii ugu dambeeyey
gudaha dalka Soomaaliya Taliyaha ayaa hayay
mudo gaaban kadib markii laga qaaday Taliyihii hore
C/casiis Saciid Gacameey.
Si kaste ha ahaatee Waa falkii ugu horeeyay ee lala
eegto Masuul ka tirsan Haya,ddaha amniga kaas oo ka
dhacay gudaha Magaalada Xarunta u ah ganacsiga
Puntland ee Bosaaso.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |