Thabo Mbeki:
Hogaamiye ku Dayasho iyo Xusid Mudan.
(S.Afrika
Sept 23,
2008 Ceegaag Online)
Dalka
SOUTH AFRICA oo leh taariikh dheer waxaa muddo dheer ka
talinayeey caddaan tiro yar oo dhowr boqol oo sano ka
hor soo degay, waxayna muddo dheer madaxa ka heysteen oo
siyaasadda iyo dhaqaalaha ka soomiyeen dadka tirada
badan ee waddanka u dhashay, waxaa dalkaas hadda ku nool
dhowr iyo afartan million oo qof oo midabo badan kala
leh, madowgu ha ugu badnaadee.
Malaha marka la maqlo SOUTH AFRICA waxaa qof kasta
madaxiisa ku soo dhacaya NELSON MANDELA iyo AFRICAN
NATIONAL CONGRESS ( ANC), waxay siyaasaddii guracneyd ee
midabtakoorka (APARTHEID) soo geba-gebowday 1989kii
markaas oo madaxweyne P.W.BOTHA oo uu bedelay F.W.De
KLERK uu xabsiga ka soo daayey Nelson Mandela 27 sano
kadib. Waxaana la qoray dastuur cusub, iyadoo 1994kii
doorashooyin xisbiyo badan ay ku tartameen ay dalka ka
dhaceen waxaana si weyn guuleystay xisbiga ANC, waxaana
madaxweyne dalka ka noqday Nelson Mandela oo uu uga
dambeeyey THABO MBEKI.
SOUTH AFRICA in kastoo saboolnimo baahsan iyo cudurka
AIDSka ay fara baas ku hayaan hadana marka loo fiiriyo
dhowr iyo kontonka dal ee qaaradda AFRICA waa dal hore u
maray oo warshadeysan, waa dalka dahabka (GOLD) ugu
badan ee dunida soo saara, iyadoo qiimaha dahabkuna uu
suuqyada caalamka ka marayo halkii ugu sareysay ee uu
weligii gaaro. Waxaa dhowaan jagadii maxweynennimo ee
dalka iska casilay Mr: THABO MBEKI oo muddo 50 sano ah
ka tirsanaa xisbiga ANC, inkastoo gudaha xisbiga uu
cadaadis kaga yimid hadana wuxuu muujiyey biseyl
siyaasadeed iyo waddaniyad, waxaa lagu eedeeyey in uu
fara geliyey baaritaan dacwadeed (CRIMINAL
INVESTIGATION) oo u dhaxeysa isaga iyo ninka la filayo
in uu jagada uga dambeeyo ee JACOB ZUMA, labada nin oo
uu hardan hoose uu ka dhaxeeyey.
Waxay aheyd in uu Thabo Mbeki xafiiska sii joogo inta
laga gaarayo doorashada sanadka 2009ka markaas oo la
filayo in uu Jacob Zuma Madaxweyne noqdo madaamaa uu
madaxtinnimadii Xisbiga ANC uu mar hore kaga guuleystay
Mr: Mbeki. Maalmo yar ka hor ayey aheyd markii Thabo
Mbeki uu heshiisiiyey oo aad uga shaqeeyey dhibaataddii
dalka ZIMBABWE, dalkaas oo dawlad xumo iyo sicir barar
kan ugu sareeya dunida ay la degeen.
Runtii waa arrin ku dayasho iyo xusidba mudan sida uu
THABO MBEKI isugu dhejinin xafiiska, waxaana sheekadan
ay ku soo beegantay iyadoo madaxda SOOMAALIDA ee (
Dawlada iyo Mucaarad ) ay ku kala dareereen shirkii
DJIBOUTI uga socday oo dadka Soomaaliyeed oo 18 sano
dagaalo dhiig badani ku daatay iyo saboolnimo la kacaa
ku faya wax uun rajo ah ka qabeen, mase arki doonaa
hoggaamiyeyaasha SOMALIA oo u turid ay dadkooda u
turayaan uga tanaasula xafiiska iyo jagada.
WQ: Abdi Aden
Hassan (Zeylici)
yabdi69@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |