shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Xasan Turki ayaa cudurdaar ka bixiyay hadalkii Dulyadeyn ku sheegay in Maxakamadihii Islaamiga ay burbureen.

(Kismaayo  Sept 25,  2008 Ceegaag Online) 

Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Turki) oo ka mid ah hogamiyaasha sida aadka ah looga yaqaano guud ahan dalka Soomaaliya oo shir jaraa'id qadka Telefoonka saxaafada ugu qabtay ayaa sheegay in cudurdaar buuxa uu ka bixinayo hadal uu dhawaan jeediyay mid ka mid ah saraakiishiisa, kaas oo sheegay inay burbureen Maxkamadihii Islaamiga ahaa.

Sheekha oo fasiraya sida hadalka uga gon lahaa sarkaalka ayaa yiri, ma ahan in loola jeedo burburka mid ku yimid Maxkamadaha laakiin waa intii ka baxday mabdii hore ee goonida isku taagtay, ayaa u dan laha inay burbureen,laakiin ma jirto burbur ku yimid maxkamadihii ayuu Sheekhu cadeeyay.

Sheekh Xasan Turki ayaa sidoo kale waxuu sheegay inuu jiro qilaaf soo kala dhexgalay hogaankii sare ee maxkamadaha iyo ciidamadoodii, taas oo uu Sheekhu ula jeeday kala aragti duwanaashaha u dhaxeysa Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir, waxuuna sii raaciyay inuu wado qorshe uu isugu keenayo mujaahidiinta gogolna uu u fidiyay goor iyo goobtii nabdoon.

Sheekh Xasan Turki oo ka hadlaya arinka ku saabsan xirnaasha garoonka ayuu sheegay in isaga aysan la wanaagsanayn in diyaaradaha shacabka la xiro oo loo diido inay ku soo degaan garoonka, balse waxuu cadeeyay in arintani ay tahay seef labo afleh oo cadowguna dan ku qabo shacabkuna dan ku qabo.

Hadlka hogaamiye diimeedkan ayaa ku soo aadaya maalin ka dib markii uu saxaafada la hadlay Sheekh Maxamed (Dulyadeyn) oo ka mid ah raga hogaamiya ciidamada Sheekh Xasan Turki, isagoo sheegay in ay burbureen Maxkamadihi Islaamiga, waxuuna ku daray hadalkiisa in Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir labaduba ay ku kala xiran yihiin Jabuuti iyo Asmara.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com