Amaanka
magaalada Kismaayo oo gacan bira lagu qabtay
(Kismaayo,
Sept 16,
2008 Ceegaag Online)
Mar aanu saaka kula
xiriirnay dad rayid ah oo deganaa kismaayo ka hor iyo ka
gadaalba ilaa intii ay dhacday dawladii dhexe ee
soomaaliya ayaa noo sheegay inay Magaaladu aad u nabdoon
tahay.
Waxaa kale oo ay noo
sheegeen in ay soo noqotay cabsidii laga baqayay
sharciga, taasoo soo dadajisay inay magaaladu aad u
xasisho habeen iyo maalinba.
Waxaanu kaloo
waydiinay xaga dhaqaalaha iyo cadaalada ay shacabka
kismaanyo ku qabaan xoogagan haatan gacanta ku haya
magaalada, waxayna noo sheegeen inaanay haatan u
baahnayn wax kale balse doonayaan haykal maamul oo dadku
ku nabad galaan.
waxaa kale oo aanu
waydiinay waxa ay ka qabaan in laga yaabo in weerar uga
yimaado xoogagii laga cayriyay magaalada, waxayna noo
sheegeen xoogagaa lagamayaabo inay soo noqdaan, balse
waa ay joogaan dadka reer gadood magaalada waxayna ka
mid yihiin xoogagan haatan gacanta ku dhigay Kismaanyo.
iyagoo noo sii
raaciyay mabdi ii tuugaysiga iyo kooxaysiga inay ka
doorbidayaan kan Islaamiga ah oo run ahaantii cabsi
badan galiyay burcadii gaalaa wareegi jirtay magaalada
iyo daafaheedaba.
Waxaanu ilaahay ugu
mahad celinanaa amaankan iyo xasiloonidan uu noogu
deeqay kismaanyana waligeed waxa uun lahaandoona cidii
daneenasa ee deegaansaneesanasa ayuu ku soo gaba
gabeeyay muwaadinkaa reer kismaayood.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |