shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baarlamaanka oo Maanta Codka kalsoonada siiyay Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde. 

(Baydhabo, Sept 01,  2008 Ceegaag Online)

Baarlamaanka KMG ah ee Somalia ayaa waxa uu maanta cod kalsooni ah u qaaday xukuumadda Ra'iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo in muddo ah xubnaha Baarlamaanka qaarkood ku eedeynayen inuusan waxba qaban gaar ahaan waxyaabaha ay ku doodayeen xubnahaas waxaa ka mid ahaa arrimaha Nabadgalayda iyo Gobolada dalka oo gacantii Dowladda ka baxeen.

Fadhiga Baarlamaanka maanta oo ahaa mid deg deg ah, ayaa waxa shir Guddoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Mohamuud Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Xubnaha Baarlamaanka ayaa isku qabtay qaabka loo codeynayo, oo qaarkood ay qabeen in qarsoodi dowladda loogu codeeyo, iyadoo qaarna ay qabeen qaab gacan taag ah, taasi oo markii dambe Baarlamaanku ku codeeyay qaab Gacan taag ah.

191 mudane ayaa codka kalsoonada siiyay Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde taasi oo uu ku dhawaaqay Guddoomiayaha Baralamaanka, waxaa ka hor yimid Xukuumadda in Codka kalsoonada la siiyo 7 xildhibaan oo kaliya halka labo Xildhibaanna ay ka aamuseen

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com