shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

BAYAANKA XARAKADA ISLAAX EE SOOMALIYA.

(Muqdisho, Sept 15,  2008 Ceegaag Online)

Bulshada Soomaaliyeed waxaa daashaday khilaaf siyaasadeed iyo colaado dabadheeraaday oo saameeyay dalka iyo dadkaba.

Waxaan marnaba laga maarmayn in wada hadal iyo heshiis la gaaro si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed iyo coladahaas.

Ururka Islaax isagoo ka duulaysa baahida joogtada ah ee loo qabo wadahadalka iyo heshiiska Soomaalida dhexdeeda ah, siduu marar badan oo hore ugu baaqay in dib uheshiisiintu tahay wadada kaliya ee lagu gaari karo nabad waarta, dagaalna aan marnaba lagu xaqiijin karin ujeedooyin siyaasadeed:

1- Wuxuu si xoog leh u taageerayaa una bogaadinayaa, heshiiskii dhex maray DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya [TFG] iyo Isbahaysiga Dib uxoraynta Soomaliya [ARS] ., heshiiskaas oo ka dhashay shirkii dib uheshiisiinta ee dhex maray labada dhinac, uuna soo abaabulay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo ay marti gelisay dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

2- Wuxuu ugu baaqayaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshawaynta Soomaaliyeed in ay si wada jir ah u taageeraan heshiiskaas, isla markaana ay gacan mug leh ka gaystaan taabagelintiisa ayada oo la ogsoonyahay in uu heshiiskaasi asaas u yahay sidii dalka Somaaliyeed loogu soo dabaali lahaa nabad waarta.

3- Ururku wuxuu ugu baaqayaa labada dhinac ee heshiiska wada galay TFG iyo ARS in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u hirgeliyaan qodobadii lafdhabarka u ahaa heshiiskaas, oo ay ka mid ahayeen xabbad joojinta iyo hirgelinta jadwalka ka bixitaanka ciidama Itoobiya dhamaan dalka Soomaaliya.

4- Waxa uu dhinacyada ishaya ugu baaqayaa in ay ka gudbaan khilaafaadka u dhexeeya, mar walbana ay ka hormariyaan danta umadda aragtiyada gaarka ah.

5- Wuxuu ugu baaqayaa Golaha Amaanka in uu qaato masuuliyaddiisa ku aadan samata bixinta iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu soo dedejiyo keenista ciidamada nabad ilaalinta qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya .

6- Wuxuu ugu yeerayaa Dowladda Maraykanka in ay dib u eegto siyaasadaheeda ku wajahan Geeska Afrika lana timaado tilaabooyin wax tar u leh nabadaynta Soomaaliya, kana gudubto siyaasadda ku kooban waxa ay ugu yeeraan ladagaalanka Argagixisada oo kaliya.

7- Wuxuu mahad ballaran iyo bogaadinba u jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumadda iyo dhamaan shacabka Jabuuti dadaalka ay mar waliba ugu jiraan, marti gelinta iyo daadihinta shirarka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee mira dhalka ah.

8- Wuxuu mahadnaq balaaran u soo jeedinayaa ergeyga gaarka ah ee xogyaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Ahmed Ould Abdallah doorkii wax ku oolka ahaa ee uu ka ciyaaray hirgelinta heshiiskan.

9- Sidoo kele Wuxuu ururku u mahadcelinayaa he’yadaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn ee gacanta ka gaystay kaalmaynta shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqayaa in ay sii xoojiyaan gargaarkooda si looga badbaado masiibada bini’aadanimo ee hadda taagan.

Ugu dambayntii ururku wuxuu ummada Soomaaliyeed ku guubaabinayaa, in ay ka faa’idaystaan fursadda rabaaniga ah ee bishan Ramadaan ee barakeysan,una toobad keenaan Ilaahey, isna cafiyaan, weydiistaana Eebahood in uu ka dulqaado dhibaatada dabada dheeraatay ee haysata.

Allahu Akbar Walilahixamd

Md. C/raxmaan Macallin C/laahi (Badiyow)
Afhayeenka Ururka Islaax

  

webmaster@ceegaag.com