Ciidamo ka
tirsan Dowladda iyo Askari Ethiopian ah oo isku soo dhiibay
Xoogaga Maxkamadaha.
(Muqdisho, Sept
07,
2008 Ceegaag Online)
9 askari
uu mida yahay Itoobiyan 8-na ay yihiin Soomaali ayaa u soo
galay Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga kadib markii ay ka soo
baxsadeen Ciidamadii ay ka kala tirsanaayeen
Muuqaalka
askartan oo la soo bandhigay isla markaana xagooda dambe
askartaas ay taagan yihiin Xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya
oo wajiyada soo duubtay ayaa Afhayeenada Maxkamadaha uu
talaabadaas ku tilmaamay guul u soo hooyatay Umadda
Soomaaliyed.
Ma aha
markii ugu horeysay oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka
ama Itoobiyanka oo soo baxsaday usoo galay Xoogaga diidan
Joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee Gudaha Dalka Soomaaliya.
Cabdiraxiin Ciise Caddow oo ah Afhayeenka maxkamadaha dhanka
howgalada ayaa ku dhawaaqay in ay soo dhaweynayaan ciidankan
iyo kuwa ku xigi doono waa sida u hadalka u dhigaye wuxuuna
intaa raaciyey in la sugayo kuwo kale oo intaan ka badan .
Ilaa
iyo hadda Dhinaca Dowladda Federaalka majirto cid ka
hadashay askartan ka goosatay dhankooda, waxaase la filayaa
inay ka hadlaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |