Dawladda Uganda oo sheegtay inay dalka Somalia u soo
dirayso ciidamo baddela kuwa haatan ku sugan Somalia.
(Kampala,
Sept 15,
2008 Ceegaag Online)
Dawladda Uganda ayaa
waxay sheegtay in ay tababar u soo xirtay labo batalyan
oo ciidamo ah kuwaasoo beddeli doona ciidamada haatan
kaga sugan dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada
miltiariga dalka Uganda Major Paddy Akunda ayaa sheegay
in ciidamadaasi ay dalka Soomaaliya soo gaari doonaan
horraanta bisha November kuwaasoo iyagana joogi doona
dalka Soomaaliya inta ay Qaramada Midoobay kala
wareegayso hawlaha nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa
waxay soo qaateen tababarro la xiriria dhaqanka iyo
luuqadda af Soomaaliga, anshaxa iyo waxyaabo kale,
waxayna iminka diyaar u yihiin inay Soomaaliya gaar
ahaan magaalada Muqdisho ka hawl galaan.
Dalka Uganda ayaa
waxaa dalka Soomaaliya ka jooga 1,600 askari kuwaas oo
dalka Soomaaliya soo gaaray horaantii sanadka 2007,
waxaana qorshuhu ahaa in ay ka howlgalaan dalka
Soomaaliya muddo lix bilood ah, balse taasi suurto gal
ayay noqon wayday waxa ay hadda ku sugan yihiin dalka
Soomaaliya ku dhawaad labo sanadood.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |