shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dooni ay la socdeen Dalxiisayaal u dhashay Dalka Fransiiska oo lagu Qafaashay Xeebaha Soomaaliya.

(Somalia, Sept  03,  2008 Ceegaag Online)

Dooni kuwa dalxiiska ah oo laga leeyahay dalka Faransiiska ayna la socdaan dad aan weli tiradooda la xaqiijin oo dalxiisayaal ah ayaa laga qafaashay gacanka cadmeed taas oo sida la sheegayo gacanta u gashay burcad-badeed Soomaliya.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo burcadda badaha Soomaalidu ay gacanta ku haystaan 7 markab oo kuwa xamuulka ah.

Wafdi ka socda maamul goboleedka Puntland ayaa degmada Eyl u tegay maalintii shalay xaqiijinta warar isburinaya oo la xiriira waxa uu sido markab laga leeyahay dalka Iiraan oo halkaas lagu haysto kaasoo dadka qaarkiis ay sheegayaan inuu hub u sido Dalka Eritrea.

Lix markab oo kale oo iyana kuwa xamuulka ah ayaa xilligan afduub loogu haystaa xeebta degmada Eyl, markaakiibtas laba ka mid ah waxaa laga leeyahay dalalka Japan, laba kalana waxaa laga leeyahay dalka Malaysia.

Laba markab kale oo iyana laga kala leeyahay dalalka Iiraan iyo Spain ayaa iyana ku jira gacanta burcad-badeedka, markab kale oo aan la sheegin halka laga leeyahay ayaa isna lagu haystaa xeebaha degmada Garacad ee gobolka Mudug, waxana maraakiibtaas oo dhami ay u rahman yihiin madaxfurasho lacageed.

Wafdiga ka socda maamul goboleedka Puntland hadda booqasho hawleed ku jooga degmada Eyl kaas oo ay hoggaaminayaan Wasiirka macdanta ee Puntland Xasan Cismaan Alloore iyo Cali Yusuf Cali oo ka mid ah sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxaa kale oo wafdigaas qayb ka ah guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali iyo taliyaha qaybta booliska ee gobolka, ujeeddada wafdiga waxaa lagu sheegay xaqiijinta warar maalmihii la soo dhaafay uu dadku isla dhexmarayay kuwaas oo sheegaya in markabka laga leeyahay Dalka Iran uu Hub usido Dalka Eritrea.

Markabka Iiraan waxaa la socda shaqaale gaaraya 30 qof oo isugu jira Iiraniyiin, Pakistaaniyiin, dad u dhashay Ghana, Hindi iyo Bangaladesh, kuwaas oo haatan la sheegayo dhammaantood inay badqabaan.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com