XAFIISKA QARAMADDA MIDOOBAY U
QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA
SOOMAALIYA
Warqad ku socota Soomaalida dalka
dibadiisa ku nool.
Newyork, 22ka Sebtembar
2008
Asalaamu Aleykum
Ramadaan Kariim
Waxaa markale warbixin idin
ka siiyayaa dhacdooyinkii ugu
dambeeyey ee ku wajahnaa nabad
iyo kala dambeyn ku soo celinta
waddankiina qaaliga ah. Hadda
waxaan joogaa Newyork si aan uga
qaybgalo kulamo taxana ah oo
heerkoodu sarreeyo kuna saabsan
arrimaha siyaasadda,
nabadgelyada iyo bini’aadinimada
ee Soomaaliya. Waxaan kulamyo la
yeelanayaa Wasiiro ka socda
Ururka Midnimada Afrika,
Mareykanka, Norway, Sweden,
Ingriiiska, Talyaaniga iyo
waddamo kale oo muhiim ah.
Madaxda adduunka haatan waxay
joogaan Newyork si ay uga
qaybgalaan dood sanadeedka
Golaha Guud ee Qaramadda
Midoobay, anaguna waxaan ku
hawshoo nahay sidii aan arrinta
Soomaaliya agendada meel sare
uga gelin lahayn.
Sida aad wada ogsoon tihiin,
waxaan usbuucii hore Jibuuti ku
qabanay isaraggii labaad ee
Guddiga Heerka Sare ee Arrimaha
Siyaasadda iyo kan Wadajirka ah
ee Arrimaha Nabadgelyada kaasoo
ay ka soo qayb galeen Bulshada
Caalamka. Guddiyadu waxaa dhex
maray dood waxtar leh kuna
wajahan sidii wax la taaban karo
ay uga soo saari lahayeen
isaraggooda. Guddiyaduna waxaa
ka go’an in ay iska kaashadaan
nabad sameynta Soomaaliya.
Waxaan si gaar ahaan ah,
raali uga noqday in guddidiyadu
ku heshiiyeen in ay sii wadaan
wada shaqeyntooda ayagoo u
maraaya guddi hoosaadyadooda,
kana wada shaqeynaya qodobo
badan oo ay ka mid yihiin,
destuurka, xaaladaha
Bini’aadinimada, dib u dhiska
iyo horumarinta dalka. Guddiga
Wadajirka ee Nabadgelyada, wuxuu
ka dhageystay warbixin kooban ee
wax ku ool ah xafiiska Qaramadda
Midoobay u Qaabilsan Hawlaha
Nabad Ilaalinta, guddiguna isla
markiiba wuxuu soo bandhigay
talooyin waxtar leh.
Arrinta muhiimka ah ee hadda
loo baahanyahay in ay hadda
hirgasho waxay tahay; arrinta
khusaysa bixitaanka Ciidammada
Ethiopia; taasoo mabd’ahaan si
cad ugu qeexan heshiiskiii
Jibuuti. Guddiga Wadajirka ah ee
Arriamaha Nabadgelyada, weli si
buuxda uma soo bandhigin
fah’faahin dhamaystiran, laakiin
wuxuu kulimi-doonaa 15ka
maalmood ee soo socota gudoohoda
si wax la taaban karo u soo
saaro. Inkastoo ay jiraan dad
yar oo qaswadayaal ah, kuwaas oo
la wada oggosoon, in ay
doonayaan in ay waddada toosan
ka weeciyaan geedi socodak
nabadda, haddana waxaa la gaaray
horumar muddo ka yar lix bilood
marka laga eego bilawgii geedi
socodka nabadda.
Markii dhinacyadu Mabd’ahaan
isafgarad iala gaareen, waxaa
laga mamaarmaan noqotay inaan
kasoo tago Jibuuti si aan uga
qayb galo shirka ka dhacaayo
Newyork. Xaflada xiritaan
shirkana waxaa ka hadlay
Raiisul-wasaaraha iyo Sheikh
Sharif.
Bulshada Caalamku waxay sii
wadaysaa taageerada ay u heeyso
Soomaaliya. Guddiga Caalamiga ah
ee la Xariirka Arrimaha
Soomaaliya, oo annigu aan shir
guddoominaayey ayaa shir ka
yeeshay arrimaha Soomaaliya
16kii Sebtembar 2008, shirku
wuxuu ka dhacay Jabuuti si ay
fursad ugu helaan xubnaha
guddigu Soomaalida ka tirsan
laba guddi iyo madaxda TFG-da
iyo tan ARS-ta. Shirka waxaa
kale oo ka qeybgalay wakiilo ka
socday waddamo muhiim ah iyo
Urur Goboleydada. Xubnaha
Guddiga Sare ee la xariirka
arrimaha Soomaaliya oo kawada
yimid magaalo madaxyada
dalalkooda iyo Nairobi, waxay
ugu baaqeen dadweynaha
Soomaaliyed ee dalka iyo
dibeddiisa jooga in ay si buuxda
u taageeraan Heshiiska Djibouti.
Sidoo kale, waxay ku gubaabiyeen
dhammaan qaybaha ay arrintan
khusayso in ay ku soo biiraan
geedi socodka siyaasadda. Sida
caadadu tahay, waxaa farxad
nagelinaya inaanu la shaqeyno
walaalahiina Djibouti kuwaasoo
ehel iyo saaxibo dhab ah u ah
Ummadda Soomaaliyed.
Mar labaad, waxaan idiin ka
rejeynaynaa inaad sii waddaan
taageeridiina ku aadan geedi
socodak nabad Soomaaliya. Waxaan
idiin kaga mahad celinayaa
dadaalka adag ee aad ugu jirtaan
sidii Soomaaliya ay u noqon
lehayd meel nabad iyo kala
dambeyn ka jirto, taas oo aan
rumaysanahay in Soomaaliya ay
waqti dhow dib u hanandoonto
sharafteedi, xurna ay ka
noqodoonto fowdada iyo deggenan
la’aanta. Waxaan ku rajaweynahay
in aan la kulmi doono bilaaha
soo socda xubno badan oo ka mid
ah Jaaliyadda waddanayinta ah si
aan si shaqsi ah uga
wada-hadalno dhammaan arrimaha
taagan, waxaana u safridoonaa
dalka Sweden bisha Oktobar 2008
si wadahadalladaas u suuragalaan.
Waxaan rejeynaynaa inaan
markale idiin ku soo wargelino
wixii horumar ah ee la gaaro.
Dhammaan waxaan idiin
rejeynayaa guul iyo nabad.