Ethiopia oo
sheegtay in ay Ciidamo Dheeri ah usoo direyso Somalia, kadib
markii ay heshay Kaalmo Dhaqaale.
(Addis Ababa,
Sept 05,
2008 Ceegaag Online)
Warar
aan weli rasmi ahayn oo soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda
Itoobiya ay ogolaatey inay ciidamo dheeraad ah oo xoojin ah
u soo dirto Soomaaliya kuwaasi oo sii xoojin doona
ciidamadeeda hadda dalka jooga inta ay ka imanayaan
ciidamada Qaramada Midoobay.
Wararka
ayaa sheegaya in Xukuumadda Addis Ababa ay heshey dhaqaale
dheeri ah oo ay caalamka weydiisatey kadib markii ay ku
hanjabtey inay ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya,
Sidoo kale waxa la sheegayaa in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
uu warqad u direy Dowladda Mareykanka uu ku sheegayo in
dawladdiisu ay meesha ka baxayso haddii Itoobiyaanku dalka
ka baxaan iyadoon ciidan kale badelin.
Dhinaca kale Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa
sheegey inay ka fiirsanayaan in ciidammo nabad ilaalin ah
loo soo diro Soomaaliya marka xaaladda dalku wax iska
bedesho.
Qaramada Midoobay oo soo dhoweeyey heshiiskii lagu gaaray
Dalka Jabuuti iyadoo ku xirtay shuruud ah in xaaladda
ammaanku is bedesho marka hore. Golaha ayaa sidoo kale
weydiistey Xoghayaha Guud ee QM inuu muddo 2 bilood ah ku
soo gudbiyo qorshaha ciidanka nabad ilaalinta oo ay ku
jiraan dalalka ay ka kala imanayaan iyo dalalka qarashka
ciidamadaas bixinaya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |