shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

FAALLO: Puntland iyo Afartii Sano ee la soo dhaafay.

(Garoowe, Sept 05,  2008 Ceegaag Online)

Dad badan ayaa  ku taamayay in xaaladda Puntland  ay isbeddeli doonto ka dib dhibaatooyinkii ka dhashay C/llaahi Yusuf oo Puntland xukumayay lix sano oo saddex ka mid ahi lagu jiray dagallo sokeeye iyo colaado, Cade Muuse waxaa loo arkayay nin oday ah, daacad ah, waddani ah kana faa'idaystay muddadii dheerayd ee uu ku noolaa Dalka Canada.

Laakiin nasiibdarro, dad badan waxay ka qoomameeyeen dagaalladii ay la galeen C/llaahi Yusuf saddexdii sano ee xukunkiisa ugu dambaysay, waxaa la galay xaalad aan horay loo arag taariikhda gobolka xitaa marka lagu daro billowgii burburka iyo fowdada Soomaaliya.

Hadafka Cadde Muuse wuxuu noqday '' Maxaan cunaa ama qaataa'', safarkii ugu dambeeyay ee C/llaahi Yuusuf ku yimi Garoowe kulan lagu qabtay xarunta Barlamaanka ee Garoowe Cadde Muuse  wuxuu meel fagaare ah ka yiri hadalkan '' Markii aan imi waxan watay hal waliinjo (sanduuq) laakin hadda waxan haystaa saddex walliinjo, oo uu ula jeedo inuu dhaqaale fara badan ka qaatay khasnada dawladda.

Maalin kale oo la furayay dhisme cusub oo ay leeyihiin wasaaradaha kalluumaysiga iyo maaliyada oo laga hirgeliyay dekeda gudaheeda  wuxuu yiri '' waxaa la leeyahay lacagtii waa la cunay, war waa la cunayaa laakiin wax baa naga haraya intaas baa idinka badan.

Cadde wuxuu hadda ku maqan yahay safarkii 33-aad ee uu ku tago dibadda afartii sano ee la soo dhaafay, safar kasta oo dibada u baxana waxaa khasnada dawladda lagala baxayay dhaqaale aad u fara badan, safarkii uu Germany u tegay in kelida laga beddelo oo keliya waxaa khasnada dawladda lagala baxay 5-milyan oo doollar, markii uu yimina isaga laftiisa ayaa idaacadaha ka sheegay laakin hadana waxaa soo baxay markii dambe inuu laftigiisa qayb ku lahaa lacagta la waayay.

Sannadkii hore waxaa la waayay 13-milyan oo doollar, markii Barlamaanku damcay inuu arrintaas dawladda kala xisaabtamo, Cadde  wuxuu dacwad  ku soo oogay gudoomiyaha Barlamaanka isagoo taas u sii maray guddoomiyahii maxkamada sare  ee waqtigaas Qaalli Gurey, safar uu sannadkan kaga  soo noqday Dubai kulankii ugu horreeyay ee uu la yeeshay golaha wasiirrada  wuxuu ka sheegay in lacag badan la dhacay intii uu maqnaa, lacagtaas wuxuu ku sheegay 40-bilyan.

Markii la xisaabtamay lacagtii inteeda badan waxay ku tagtay Cadde, Afqurac iyo Gaagaab, wasiirradii niyadjab aan caadi ahayn ayay meesha kala tageen, qaarkood waxay damceen inay meesha ka cararaan, laakiin hadana waxaa istusay yaan dalku burburin ee ha loo kaadiiyo.

Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Barlamanka ee la xiray August waxaynu ogayn in lacago balaayiin ah in loo isticmaalay dano gaar ahaaneed, markii Barlamanku  eegay xisaabxirkii Miisaaniyada waxay xubnuhu  sheegeen inaysan suuragal ahayn xiridda miisaaniyada maadaama ay lacag badani maqan tahay, Gaagaab iyo Cadde waxay markiiba bilaabeen kala firdhinta  Barlamaanka.

Taas waxaa ka sii daran, markii uu afka iska mariyay sannadkii la soo dhaafay lacag 3-milyan oo doollar ah oo ay lahaayeen garoonka dayuuradaha Garoowe, dekeda Laasqoray iyo maamulka dhexe ee Puntland, lacagtaas waxaa dawladda  federalka toos u waydistay Isimo iyo waxgarad ka soo jeeda labada gobol, Cadde laftigiisana markii lacagtaas uu ka soo qaaday Muqdisho oo uu safar ku tegay meelo badan ayuu ka sheegay mana ahayn mid qarsoodi ah.

Lacagaha  hormariska ah ee uu ka qaado shirkadaha tuugada ah ee  la sheego inay shidaal ka baarayaan Puntland iyagu hadal ma leh, waxana ilaa iyo haddda lala yaabban yahay inay maqan  yihiin mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha sagaal bilood oo xiriir ah  iyadoo dakhliga  dawladdu aanu mar keliya hoos u dhicin.

Qofku waa  dhergaa, ama  waa xishoodaa, laakin Cadde labadaas  midna lagama hayo, arrintuna maaha mid ku kooban keligiis ee waxaa la wadaaga Afqurac iyo Gaagaab, hase ahaatee isaga ayaa masuuliyadda koowaad  iska  leh waayo hadduu yahay qof masuuliyad leh waxaas oo dhami hoostiisa kama dhaceen.

Marka la eego dhinaca ammaanka maanta waxa la oran karaa Puntland  wax dawlad ahi kama jiraan, waana  arrin cid walba u muuqata, shaqaalihii caalamiga ahaa waa tan ay ka wada guureen gobolka, waxaa dib u soo nqoday isbaarooyinkii la qaaday 1998 Boosaso ilaa Galkacyo, bishii August ee aynu soo dhaafnay waxaa Puntland lagu dhacay in ka badan 40 baabuur oo isugu jira kuwa  xamuulka  iyo kuwo yar-yar.

Markii maalin dhowayd la damcay in la qaado isbaarooyin yiillay Burtinle waxaynu ogayn in dablaydi ay afduubtay gudoomiyihii gobolka Nugaaleed oo markii dambe waanwaan beeleed lagu soo daayay, aaway haybaddii dawladeed ee lagu yiqiin Puntland, sheekada  yaabka lihi waxay tahay in la xaqiijiyay in Cadde iyo maamulkiisu ay qayb ka yihiin burcad-badeedka  iyo burcada  kale ee berriga.

Laga yaabee inay taasi dad badan ku noqoto filan waa, laakin horay ayaanu ula yaabnay, waxaa la ogyahay qaybtii ay Cadde iyo wasiirka caafimaadka Dhegawayne ka qaateen lacagtii laga qaaday laba gabdhood  oo Spain iyo Argentina u dhashay oo Boosaaso  lagu afduubay lana  siidaayay bishii January ee 2008.

Dadka  u dhashay gobolku waxay si wayn uga walwaleen markii Gaagaab iyo Cade ay damceen inay Itoobiya ka iibsadaan dadka Ogaadeenka ah ee goboka ku nool ama ka shaqeysta, dad badan ayay dhiibeen, laakin waxgaradka gobolka ayaa si toos ah taas uga  dhiidhiyay, waayo arrintani waxay taabatay nolosha iyo ammaanka gobolka maadaama gobolku ku xiran yahay Kililka 5aad ee Itoobiya.

Waxaynu ognahay wax  ka dhacaya Galkacyo, ilaa  iyo haddana aan cidna  loo hayn dadkii faraha badanaa ee lagu laayay gudaha Galkacyo, markii ay Caasha Geelle damacday inay saxdo dhibaatada ammaan ee Gaalkacyo waxaynu ognahay wixii uu Cadde ku sameeyay taas oo keentay inay iska casisho xilkii uu u magacaabay maalmo ka hor iscasilaadeeda.

Ganacsatada Puntland ayaa isku dayday  inay maamulka kabaan dhinaca ammaanka markii ay arkeen sida xaalku yahay, waxay soo iibiyeen baabuurta booliska, dharka ciidanka, qalab isgaarsineed, iwm, xafladdii ay ganacsatadu ku wareeninayeen qalabkaas oo ka dhacday gudaha  dekeda Boosaaso oo dadkoo dhami maqlayaan Cadde  wuxuu ka yiri '' annaga ciidanka lacag uma hayno, waxaana ku dhahay askarta toban-toban isu raaca oo tujaarta ka dhaca lacagta ay haystaan'''.

Waxaa la garan waayay ninku inuu waashay oo wax u dhinmeen iyo inuu sida ku fayow yahay, sababtoo ah tujaarta uu leeyahay ha  la dhaco waa kuwa uu ka guddoomaya qalabka ciidan ee  ay nabada gobolka  ku xoojinayaan.

Sannadkii 1999 waxaa Puntland ka dhacay hub ka dhigis dadban, maamulku wuxuu la wareegay hubka  tiknikada ah ee ay beeluhu haystaan oo ka iibiyay, laakin hadda waxaa gobolka si wayn ugu soo kordhay hubka  waawayn iyo kan yar-yar ka dib marakii beeluhu ay arkeen inuusan jirin maamul ay isku hallayn karaan, beel kastana iskeed  ayay hadda isu hubaysay, waana arrin ammaanka khal-khal ku ah mustaqbalka.

Gobolka Sool xaalkiisu waa mid gooniya oo u baahan in keligiis laga qoro faallo u gooniya, laakin waxaynu xusi karnaa in Cadde, Afqurac iyo Gaagaab ay si ulakac ah u dhiibeen gobolkaas,subaxdii la qabsaday Laascaanod, Afqurac ayaa joogay Garoowe, afartii saac ayaa si dhib leh hurdo looga toosiyay, weliba  lama toosine  wuxuu ku toosay xabbado ay ilaaladiisu ku  rideen dad caraysan oo aqalka uu deggan yahay ku soo qamaamay sidaas ayuuna ku ogaaday in ay wax soo kordheen oo loogu sheegay in Laascaanod la qabsaday.

Intii la qabsaday gobolkaas, maamulku marna isuma taagin, odayaasha dhaqanka iyo dadwaynaha  ayaa isu xilsaaray inay iskood  isu maamulaan laakiin ciidamadii ay ururiyeen waxaa kala daadiyay  Cade, Afqurac iyo Gaagaab, laakiin waxaa yaab leh  inay haddana  leeyihiin waanu soo celin gobolkaas inaan la gaarin xilliga doorashada, waana  la garan karaa waxay taas ula jeedaan.

Waxaa kala daatay isku xirnaantii toddobada gobol ee ay ka kooban tahay maamul goboleedka Puntland, gobol walba maanta iskiis ayuu u taagan yahay, waana gar inay taasi timaaddo mar haddii ay meesha ka baxeen wixii asaaska u noqon lahaa maamul dawladeed oo ay ka dhalan lahayd  isku xirnaan dad iyo gobollo.

Arrimaha  bulshada ee caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha waxaa dadku ku tiirssan yahay goobaha gaarka loo leeyahay maadaama uusan  jirin adeeg bulsho oo dawladeed, hadii dadku waayo dhaqaale, nabadgelyo iyo adeeg bulsho maxay tahay waxa laga  sugayo  Cadde Muuse.

Waxaa kaloo la yaab leh aflagaadada  Cadde Muuse la horfadiyo qof  walba oo isku daya inuu u tilmaamo sida xaalku yahay, cayda afkiisa ka baxdaa uma kala soocna waxgarad,aqoonyahan, cullimada  diinta iyo xitaa Isimada, waxaa taas barbar socda daciifnimada qof  ahaaneed ee Cadde, caqli xumida iyo weliba karti-xumida maamul ee lagu beeray.

Dadka  ku dhaqan gobolku markay dhinac  walba ka eegeen maamulka ka jira Puntland waxay go'aansadeen inay adkaystaan inta ka hartay xilliga maamulka loo doortay oo ku eg 08/01/09, markii waqtigaas la gaarana laga tashado, waxase yaab leh in Cadde mar kale hunguri ka hayo in dib loo doorto oo uu tartamo, waa dhab in Cade doonayo inuu iibsado Barlamanka  cusub ee soo socda mana aha mid uu la gabbado ama uu  qarsado, laakiin waxaa la hubaa dadka  gobolku aanay marna aqbali doonin Cadde Muuse xitaa haddii uu Barlamanka iibsado oo la doorto.

Sidaas  awgeed dadku wuxuu walwal xoog leh ka qabaa doorashada soo socota inay ka dhashaan dagaallo sokeeye oo lagu hoobto, laakiin Cade iyo labada nin ee kale taas dan kama  laha, gar iyo gardarana waxay rabaan inay sii wadaan nuugista dhiigga dadwaynaha oo ay ka dhergi waayeen si walba  oo ay dhaqaale u boobeen.

Dadka intiisa badan waxay la yaabeen qiimaha iyo dun wanaagga ay leeyihiin dadka  ku dhaqan Puntland, sababtoo ah dulmi walba oo dhacay waxay ka doorbideen nabadda  iyo wadajirka, laakiin markaad dadka kala sheekaysato xaalka hadda jira qof walba waa yaabban yahay.

Si haddaba  arrimahaas looga gudbo waxaa dadka gobolka u muuqata in iyagoon u kala harin inay mar keliya oran doonaan  ''Maya Cadde, Gaagaab iyo Afqurac'' waxa  la ogyahay in saddexda nin ay helayaan hiillo beeleed laakiin waxaan hubaa in la xoog iyo xeelad lagu muquunin doono cid walba oo wanaagga wax ku qaadan wayda oo ay u muuqan waydo in dadku ka dhamaaday dulqaadkii.

Xigasho PP

  

webmaster@ceegaag.com