Gudiga
doorashada Somaliland oo soo gaadhay Gobolka Sool
(Laascaanood, Sept 27,
2008 Ceegaag Online)
Ilaa iyo intii ay soo galeen Somaliland(SL) Gobolka
Sool, dadka degan gobolka way ku kala aragti
duwanaayeen soo gelitaanka SL ee Gobolka Sool.
Sababtoo ah dadku way ku kala badan yihiin dhinaca
ciidanka iyo dhaqaalahaba.
Taasi waxay keentay in bulshada ku dhaqan Gobolka
Sool ku kala aragtiduwanaadaan kuna kala fogaadaan
soo gelitaanka SL ee Gobolka Sool.
Waxaa kale oo jira iyadoo aanay maamulka SL waxba u
qaban Gobolka, dhinacyada Bulshada sida Caafimaadka,
Waxbarashada, Biyaha IWM.
Waxaana dadku marar badan is waydiinayaa waxa ay u
kordhisay soo gelitaanka SL Gobolka Sool, iyadoo ay
arimahaas oo dhami jiraan ayaa hadda waxaa la
gaadhay u diyaargarowga komishanka ama doorashada
madaxtooyada SL.
Haddaba arintu si kastaba ha ahaatee, waxaa soo
gaadhay Gobolka Sool Gudigii doorashada SL, si ay
doorashda Gobolka Sool uga sameeyaan.
Waxaa kale oo aan meesha laga saari karin in xuduuda
gobolka Sool dhinaca PL ay ka jiraan dhaq dhaqaaq
siyaasadeed iyo mid ciidan oo ku soo wajahan
Magaalada Laascaanood.
Gebagebadii: arimahaas oo dhami waa wax u yaala
Isimada, Cuqaasha, Waxgaradka, iyo bulshada ku
dhaqan Gobolka Sool
X.WARARKA CEEGAAG
LAASCAANOOD.
webmaster@ceegaag.com |