Koonfur Afrika
oo noqotey Hoygii geerida Ganacsatada Soomaaliyeed !
(Port Elizabeth,
Sept 08,
2008 Ceegaag Online)
Muwaadhin Soomaaliyeed
ayaa lagu la’yahay badda Cape Town, halka labbo kale ay u
geeriyoodeen siyaabo kala duwan, midkood ayaa lagu diley
Magaalada Port Elisabeth, halka midka kalana uu u dhintey
dhaawacyo kasoo gaaray tacshiirad doraad lagu dilay labbo
kale oo Soomaaali ah.
Sida ay
sheegeen kooxaha badbaadinta dadka badda ku harqada, waxaa
maalintii labaad la la’yahay muwaadhin Soomaaliyeed oo ku
jirrey xerro qaxooti oo ku taala duleedka Cape Town halkaas
oo ay ku jiraan boqolaal Soomaali ah oo dalkani ku barro
kacay, waxaa la sheegey in ninkani uu galay badda, balse la
waayay markii dambe, kooxaha badbaada ayaa maalintii labbaad
raadinaya ninkani oo aanan magaciisa la shaacin.
Dhanka kale
xalay waxaa magaalada Port Elizabeth lagu dilley muwaadhin
Soomaaliyeed oo ku sugnaa goobtiisa ganacsiga, iyadoo rag
hubeysan ay tacshiirad huwiyeen xilli habeen ah dukaanka uu
ninkani ka ganacsananayay oo ku yaalay meel tuulo ah,
ninkani magaciisa waxaa lagu soo koobay Abuukar C/llaahi.
Dhimashada Abuukar C/laahi ayaa noqoneysa qofkii 6-aad oo ku
geeriyooda Wadankan Koonfur Afrika sidii ay u
bilaabatay Bisha Barakeysan ee Ramadan .
Dhimashadani
ugu dambeysey tirada waxay ka dhigeysaa 13 Soomaalida
lagu diley Koonfur Afrika illaa bishii June ee sanadkan.
Cabdinaasir Saxansoxo.
saxansoxo1@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |