Maamulkii
Degmada Wanlaweyn oo la kala diray, kadib markii ay xalay
halkaas gaareen Xoogaga Al-Shabaab.
(Wanlaweyn, Sept
06,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamadii
Booliska Maamulkii degmada Wanlaweyne ee gobolka Shabeellaha
hoose ayaa la kala diray kadib markii shalay ay halkaasi
gaareen ciidamada Xoogaga Al-shabaab oo ay la wareegen
Maamulka Degmadaas.
Kala
dirista Ciidamada Booliska Degmadaas oo 90 KM u jirta
Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kagana aadan dhinaca
Koonfureed ayaa waxaa sidoo kale ooda ka rogeen maxaabiistii
ku jirtay xabsiyada isla markaana waxa la joojiyay dhamaan
goobaha canshuuraha lagu qaadi jiray ee uu maamulka daqliga
ka soo gali jiray kadib marki ay halkaasi gaareen ciidamada
Al-shabaab oo ay xalay halkaasi ku hoyden.
Dowladda
Federaalka Soomaaliya oo iyadu magacawday Maamulkaas Degmada
Wanlaweyn ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin kala dirista Ururka
Al Shabaab ay kala direen Ciidamadii Booliska degmadaas iyo
Maamulkii ka talinayay.
Dadka
deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay talaabada Lagu sii
daayay dadka maxaabiis ahaanta ugu jiray Xabsiyada isla
markaana Isbaarooyinkii la qaaday waxaana ay arintaasi ku
tilmaameen mid ay in dhaweydba sugayeen.
Degmada Wanlaweyn waxay ku taala Bartamaha Wadada isku xirta
Magaalooyinka Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo oo xarun u ah
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Lama
oga sababata dhabta ah ee ay Xoogaga Al-Shabaab u soo galeen
magaalada iyo waxa ay ka damacsan yihiin , inkastoo Afhayeen
u hadlay xoogaga qabsaday Degmada Wanlaweyn uu sheegay in
halkaasi aanay sii joogi doonin.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |