Mawduuc
yar oo ku saabsan Bisha Ramadaan
(U.A.E, Sept 01,
2008 Ceegaag Online)
Bismillaah.
Imisa Ramdaan ayaa ku soo martey?
Toban Ramadan, Labaatan Shan Ramadaan?!!
Sidee bay ahayd Cibaadadaadu Ramadaanadii ku soo maraey
Noloshaada?
Walaal Imaankaagu ma siyaadey ilaahayse ma u dhawaatey?
Walaal Ramadaantu Markay dhamaatey ilaah ka cabsigaagu sidee
buu noqdey?
Walaal Ma gaadhey Hadafka laga leeyahay bisha ramdaan? oo
ah(Waxaad mudantihiin inaad ilaahay ka cabsataan)
Walaal mise waxaad tahay dadka marka Ramadaanku soo galo
nafta ku mashquuliya Aflaamta iyo Makhaayad Fadhiisga iyo
fadhi ku diririka?
Walaal Bisha ramadaan waa bishii uu
Quraanku soo dagey, Hanuun ayaa ku sugan,
waxaa ku jira habeen ka khayr badan kun bilood, Qof kastoo
Muslim ah waxaa laga rabaa inuu dhexda giijistu ramadaantana
nooleeyo sidii Rasuulkeenu SCW
samayn jirey, waxaa la inaga rabaa Inaan akhrisano
kitaabka allaah wixii aan awoodno, waxaa la inaga rabaa
inaan habeenkii u istaagno Salaatulaylka wixiii aan awoodno
waxaa la inaga rabaa inaan ka faa'iidaysano Fursadan bisha
ramadaan walaal dad badan oo inala soomey sanadkii hore
maanta ciida ayeey ka hoos mareen adigana waxaa ilaahay
fursad kuu siiyey inaad gaadho bishan barakaysan walaal
yeeysan nagu dhaafin si fudud aynu ka faa'iidaysano
khayrkeeda waxaa dhici karta Qaar badan oo inaga mida
inaysan soo marin Sanadka danbe.
Sidoo kale waxaa la inaga rabaa inaan
Xasuusano Qaraabadena baahan ee aan
heleyn waxay ku afuraan
waxaa la inaga rabaa inaan u ducayno Muslimiinta meel kastoy
joogaan waxaa la inaga rabaa inaan khayrka u tartanno
xumaantana iska reebno.
Walaal hadii ay jiraan dad xumaani idin dhexmartey waxaa
haboon in aad iska cafisid ilaahay dartiis, walaal aan u
ducayno Dhamaan muslimiinta in ilaah Xaqa u celiyo Madaxdana
u hanuuniyo kuwa Cadawga ilaahay la dirirayana gumadahooda
uu sugo.
Rabigey waxaan ka rajaynaynayaa in dhamaan Dadka Muslimiinta
ah uu Kalmadooda mid ka dhigo Calankoodana kor u qaado
Cadowgoodana uu duleeyo.
Waa walaalkiin Xaga diinta
Mustafa Akhyaar
My Signature is:
Mustafa Akhyaar
Subxanakallaahuma wabixamdika ashhadu an laa ilaah ilaa anta
astaqfiruka wa atuubu ilayka.
webmaster@ceegaag.com |