shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed Qanyare "Maamul looma sameyn Karo Gobolka Banaadir iyadoo aan lala tashan dad aniga ka mid ahay oo awoodo ku leh Gobolka". 

(Baydhabo, Sept 08,  2008 Ceegaag Online)

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho ay ugu awooda sheegteen Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee awooda la soo baxay bartamihii 2006 da xilligana ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Xildhibaanada Barlamaanka ayaa ka hor yimid qorshaha Maamul u sameynta Gobolka Banaadir ee uu wado Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ayaa si kulul u weeraray qaabka ay u soconeeyso arimaha maamul u sameynta gobolka Banaadir,wuxuuna sheegay in markii hore qaabka loo soo dhisay maamulkii uu hor kacayay Maxamed Dheere ay aheyd mid sharci daro ah isla markaana sharci daro looga qaday xilka hadana la doonayo sidii hore oo kale in maamul loogu dhawaaqo gobolka Banaadir, isla markaana aysan noqon doonin mid la aqbalo.

“Ka hor inta aan la sameynin Maamulka, waxaa loo baahan yahay in wada tashi ballaaran laga sameeyo, waa in lala tashadaa beelaha dega Gobolka,aniga waxaan ka mid ahay dadka awooda badan ku leh Gobolka”ayuu yiri Qanyare.

Qanyare ayaa sheegay in isaga ka xildhibaan ahaan uusan aqoonsan dooniin waxa ka soo baxa qorshaha lagu doonayo maamul u sameynta gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in heshiikii ay dalka Itoobiya kuwada gaareen Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha ay ka mid ahayd in maamul cusub loogu sameyo gobolka Banaadir mudo 15 maalin gudahooda taasina uu ku sheegay in aysan suurto gal ahayn.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com